Munaasibad Lagu Muuneeynayay 55 Guurradii Ka Soo Wareegtay Calan Saarkii Somaliland Oo Lagu Qabtay Hargeysa

0
405

“Kama Daalayno In Dalkeenu Aqoonsi Ka Helo Beesha Caalamka” Madaxweyne Siilaanyo
 
By:Faysal Xiis Weerar(Afgaab)
Hargeysa(Dawan):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa beesha caalamka ugu baaqay in ay aqoonsadaan Somaliland, taasoo uu sheegay in bulshadda Somaliland xaq u leedahay in caalamku aqoonsado.
Madaxweyne  Axmed Siilaanyo oo ka  hadlayay munaasibad  balaadhan oo loo qabtay xuska 55 guurada ka soo wareegtay   markii Somaliland xorriyadeeda ka qaadatay  boqortooyadii Ingiriiska oo ku beegnaynd 26 Jun 1960. Waxaa kale oo uu  ka hadlay halgamadii kala dambeeyay ee bulshadda reer Somaliland ay u soo martay xorriyaddeeda.
 
“Waxaa  Farxad weyn  innoo wada ah in aynu u dabbaal degno mudadii  ka soo wareegtay  markii aynu xorriyadeenna ka qaadanay dalka Ingiriiska  oo laga joogo 55 sanno isla markaana ku beegan 26 Jun 1960-kii,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland
Madaxweynaha oo ka hadlayay halgamadii kala dambeeyay ee bulshadda reer Somaliland u soo mudatay  xorriyadeedda waxa uu  yidhi  “Dalkeennu waa dal aad Iyo aad u soo halgamey, waa dal ay dadkiisu Madax-bannaanidiisa  u soo halgameen  waynu qaldanay waxybaabo badan oo  aynu samaynay way jireen  laakiin maanta waynu ka soo kabanay  xorriyaddeennii iyo dawladnimadeennii  ayaynu haysanaa  caalamkuna wuu inala macaamilaa  waxaynu u baahano waynu qabsan karnaa.”
Madaxweynaha Somaliland waxaa uu ka hadlay sida aanau xukuumaddiisu uga daalayn in ay beesha caalamka uga doonto xaqa ay Somaliland  u leedahay in la aqoonsado taasoo uu caddeeyay in dariiq kasta oo suuro-gal ah ay u marayaan.”Insha ALLAH waxaynu rejaynaynaa in aynu caalamka Ictiraaf buuxa ka helno taana kama daalayno waanan ku dedaalaynaa waxaanan hambalyo u dirayaa ciidamada qaranka iyo guud ahaan shacabka Somaliland.”
Munaasibada shalay lagu qabtay Madaxtooyada Somaliland oo ay Madaxweynaha kala qayb galeen Guddoomiyaha Xisbiga tallada haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi,  Xildhibaanno Wasiirro Guddoomiyaha Maxkamada Sare Marwada Madaxweynaha iyo marti sharaf kale ayuu Madaxweynaha Somaliland calanka qaranka Somaliland  gacantiisa ku saaray birta calanka ee Madaxtooyada Hargeysa.

Leave a Reply