Wariye loo Xidhay Is diwaangelin la'aan

0
388

Wariye Zimbabwe u dhashay ayaa sanad lagu xukumay kaddib markii uu daabacay wargeys isagoon dowladda iska diiwaangelin, sidaasina waxaa sheegay shalay ururka ugu weyn ee wariyayaasha.
Foster Dongozi oo ah xoghayaha guud ee ururka wariyayaasha Zimbabwe ayaa sheegay, in Patrick Chitongo ay sanad ku xukuntay maxkamadda hoose khamiistii.
“Waa maalin murugo u ah saxaafadda xorta, marka dadka loo xidho waxa ay baahiyeen,” ayuu Dongozi u sheegay AFP.
Sida uu qabo qeynuunka Zimbabwe ayey tahay in suxufiyiinta ay sanad walba is diwaan geliyaan, iyadoo kuwa wax daabacana looga baahan yahay inay diwaangashan yihiin.
 

Leave a Reply