Dalka Ugaandha ninka lagu magacaabo Godfrey Bagoma oo ah ninka ugu foosha xun dalkaasi ayuu qoyskiisa ku soo kordhay wiil u dhashay. Ninkan oo dalkaasi looga yaqaano ninka dalka ugu foosh xun ayaa magacaasi ku guulaystay markii sanadkii 2002 lagu qabtay dalkaasi tartanka qofka ugu foosha xun, waxaana uu noqday ninka ku guulaystay kaalinta koowaad. Ninkan oo da’diisu tahay 47 sano ayaa tartankaasi ka helay lacag isagoo qoyskiisu hore u ahaa mid faqiir ah. Qoyskiisa ayaa hadda ka kooban 8 xubnood.
Godfrey Bagoma ayaa ka cabanaya xanuun aanay dhakhaatiiru garan oo muuqaalkan ka dhigay. Gabadhiisa Keit ayaa mar hore ka tagtay laakiin mar danbe ayay ku soo noqotay waxaana uu sheegay in haddii ay doonayso marka ay u baahato uu fasaxayo. Godfrey Bagoma ayaa hore ay u kala tageen gabadh kale oo sheegtay inay u adkaysan weyday muuqaalkiisa. (Al-Wadanvioce).