Madaxweynaha Somaliland Iyo Wefti Ka Socday Baanka Adduunka Oo Ka Wada hadlay Hirgelinta Mashaariic Horumarineed Iyo Dib U Habaynta Ganacsiga

0
327

Hargeysa (Dawan) Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socday baanka adduunka, waxaana ujeedada kulankani ahaa hirgelinta mashaariic hore baanka adduunku uga waday dalka iyo dib u habaynta ganacsiga uu baanka adduunku la wado Wasaaradda ganacsiga.
Kulankan waxa Madaxweynaha ku wehelinayay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo xubno ka tirsan golaha Wasiirrada.
Wasiirka ganacsiga Somaliland Dr. Muuse Qaasim Aw Cumar ayaa kulankaasi ka dib warbaahinta qaranka  la hadlay, waxaanu faahfaahin ka bixiyay ujeedada kulankan dhex maray Madaxweyne Siilaanyo weftigan ka socday baanka adduunka.
“Maanta (shalay) waxa noo yimid wefti ka socda baanka adduunka, oo gabadha Agaasimaha ganacsiga u qaabilsan baanka adduunka oo ka timid Washington DC iyo Ninka Somaliland iyo Soomaaliya u qaabilsan oo ka yimid Nairobi isaga iyo masuuliyiintii wehelinayay. Markaa runtii waxaanu ka wada hadalnay mashaariicda ay ka qabanayaan Somaliland  oo ay ka mid yihiin dib u habayntii ganacsiga ( Business Reform ) oo Wasaaradda ganacsiga ay la wadaan.” Ayuu yidhi Wasiirka ganacsiga Somaliland Dr. Muuse Qaasim  Cumar
Wasiirka ganacsiga Dr. Muuse Qaasim waxa uu intaas ku daray “Baanka shuruuc ay la wadaan iyo mashaariic dhawr ah oo ay innagala shaqaynayaan ayaanu ka wada hadalnay, si wanaagsan baanay noogu dhammaatay. Waa markii ugu horaysay ee ay timaado waanay iman doontaa, mana noqon doonto markii ugu damabaysay, mashaariic badan imika way wadaan.”
 
Dhinaca kalena, Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed (Siilaanyo) ayaa shalay xafiiskiisa ku dhaariyey Guddoomiyaha Maxkamada Sare Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed oo uu madaxweynuhu magacaabay 24/05/2015.
Golaha baarlamaanka Somaliland oo madaxweynuhu u gudbiyay Guddoomiyaha maxakamadda sare ayaa ansixiyay 03/June/2015, ka dibna uu xilkii gudoomiyaha maxkamada sare kala wareegay 08/Jun/2015, gudoomiyihii ka horeeyey ee xilka laga qaaday Garyaqaan Yuusuf Ismaaciil Cali.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa shalay dhaartii dastuuriga ahayd  dhaariyey gudoomiyaha cusub si uu hawlaha horyaala u gudo galo, isaga oo sharciga islaamka ugu dhaartay shacbiga iyo qaranka Somalilandba.
Ugu danbayna waxa uu Madaxweynuhu gudoomiyaha dhaarta ka dib ugu duceeyey in alle u fudaydiyo xilkaasi, kana dhigo mid dalka iyo dadkaba u horseeda kala danbayn iyo cadaalad.

By. Khaalid Xabsi

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply