“Hargeysa Stadium Waxa Uu La Muuqaal Noqon Doona Garoomada Caalamka” Agaasimaha Ciyaaraha

0
349

Waxa si habsami leh u socota hawsha dibu-habaynta iyo dhigista doogga macmalka ah ee garoonka Hargeisa Stadium, waxaana inta badan la dhamaystiray hawshaas.
Agaasimaha guud ee wasaaradda Ciyaaraha Somaliland, Maxamed Xuseen Dhabbeeye oo ay wehelinayeen wasiir ku-xigeenka Wasaaraddaas Yuusuf Cismaan Garas iyo masuuliyiin kale oo shalay kormeer ku tegay garoonkaas si ay u soo indho-indheeyaan halka ay marayso hawsha dhigista doogga macmalka ah iyo dibu-habaynta lakabka ka hooseeya doogga iyo waliba dayactir kale oo garoonka ka socda ayaa waxa uu sheegay in Hargeisa Stadium uu hadda muuqaalkiisu la mid noqonayo kuwa caalamka,  isla markaana ay shaqadaas ku guuleysteen.
Agaasime Maxamed oo markii uu ka soo laabtay kormeerkaas bartiisa Facebook ku faahfaahiyey shaqada ka socota halkaas, ayaa waxa uu duray mucaaradka oo uu ku tilmaamay in ay dhaliili jireen hawshan.
Qoraalka uu agaasimuhu ku baahiyey bartiisa Facebook waxay u dhignayd sidan:
“Waxaa farxad weyn noo ah Maanta annaga oo ah Masuuliyiinta wasaaradda dhallinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska Somaliland inaanu kormeer ku tegnay garoonka kubadda cagta ee Hargeisa Stadium, kaas oo muddooyinkii ugu dambeeyay hawl shaqo oo lagu dhigayo doogga mac-malka ahi ay ka socoto.
Waxa Hargeisa Stadium uu la muuqaal noqon doona garoomada caalamka, waxay talaabadani ay guul weyn u tahay guud ahaanba Somaliland gaar ahaan dhallinyarteena, garoonkani waa midka ugu weyn ee qarankani ku dhaato waxaana dedaalkeeda iyo hir-gelinta in ceynkan loo dhiso uga mahad-celinaynaa xukuumada uu hogaamiyo madaxweyne Axmed Maxamed Silanyo oo runtii dedaal dheeriya hadh iyo habeenba ugu jirta horumarinta iyo dhiiri-gelinta ciyaaraha iyo dhallinyarada.
Dadka qaar ee ku Caaroodda wanaaga iyo wax-qabadka waxay u haysteen hadal iyo waxaan suurtoobayn, mucaaradnimaduna maaha cambaareyn iyo ceebayn laakiin maanta waxaanu leenahay Qudhaanjooy ku Quuso.
 
 

Leave a Reply