Ninkii Adduunka Ugu Buuran Oo Dhintay

0
447

Dalka Ingriiska waxa ku dhintay ninkii lagu naanaysi jiray ka dunida ugu buuran. Sida lagu daabacay wargeyska Daily Mail ninkan ayuu miisaankiisu ahaa 300 kg. Wuxu nin aan ka bixin guriga isagoo aan awood u lahayn inuu sameeyo xarakaadka. Waxaana uu ku jiifi jiray sariirtiisa.
Ninkan aya wakhtiyadan danbe cuni jiray wax yar oo baasto hasa yeeshee aanu haddana miisaankiisu is dhimin.
Dhakhaatiirta ayaa uga digay inuu hore u dhiman doono haddii aanu wax ka bedelin qaabka uu cuntada u qaato. Waxaana la sheegay in xubnihii jidhkiisa ee qaabilsana hawlaha jidhka ay noqdeen kuwo awoodi waayay inay jidhka miisaankaasi leh ka sheqeeyaan waxaana culays ku yimi Wadnaha, keliyaha, beerka  iyo dhamaan xubnaha kale ee ku shaqada leh hawlaha jidhka. Wargeyska ayaa daabacay in dhakhaatiirtu sheegeen dhowaan 70%  inuu dhiman doono todobaadyo gudahood. Wargeyska ayaa sheegay in warka geeridiisu si kedis ah u yimi iyadoo wakhtigii dhakhaatiirtu sheegeen lagu jiro.
 

Leave a Reply