Shakiga Badani Waa Nooc Waalida Ah

0
448

Nin ka mid ah dadka shakiga badan ayaa uyimi majliskii caalimkii  Ibnu Caqiil, markii uu fadhiistay ayuu ku yidhi Caalimkii : “ Waxaan maanta kuugu imi inaad iiga jawaabto arrin  igu fadhida, oo ah waan maydhaa oo is daahiriyaa, haddana marka aan biyaha ka soo baxo ee aan debedda imaado ayaa shakiyaa oo aan is weydiyaa ma daahir baad tahay mise maya? Markaa salaadaydu ma saxbaa?  Ibnu Caqiil ayaa ugu jawaabay waar salaadii way ka dhacday ee iska tag . Ninkii ayaa yaabay oo ku yidhi oo waayo. Waxaana uu ugu jawaabay  Nebiga ayaa yidhi saddex waa laga dhaafay qalinka oo waxba lagama qoro , Kan hurda inta uu toosayo, ka waalan inta uu miyirsanayo, kan sebiga ah inta uu qaangaadhayo. Shakina kuma jiro adigoo biyihii galay oo ku maydhay oo ku noqnoqday oo haddana shakisan inaad daahir tahay in waaliyi ku hayso.  Shakiga badana waa nooca ka mid ah waalida.
 
 

Leave a Reply