Ninkii Qarxiyay Masjidkii Kuwayt oo la Sheegay inuu ahaa Sacuudiyaan

0
362

Dawladda Kuwait ayaa sheegtay in uu Sacuudiyaan ahaa ninkii ka dambeeyay qaraxii jimcihii ka dhacay masaajidka Shiicada ee ku yaal kuwayt.
Wasaaradda arrimaha guduha ayaa ninkaasi magaciisa ku sheegtay Fahad Suleyman Cabdulmuxsin sida ay warabaahinta dawladu sheegtay.
Wasaaraddu waxa ay sheegtay in ninkaasi uu dalka ka duulay saacado uun kaddib markii uu qaraxa dhigay masaajidka, halkaas oo ay ku geeriyoodeen ugu yaraan 27 ruux.
Ururka isku magacaaba Khilaafada Islaamka oo Shiicada u yaqaana in aysan Muslimiin ahayn ayaa sheegtay in ay weerarkaasi ka dambeeyeen.
Qayb ka mid ah Khilaafada Islaamka ama Daacish ayaa masaajido ku yaala Sacuudiga ku qaaday weeraro ay maalmo jimce ah fuliyeen oo ay ku bar tilmaameedsadeen masaajidada Shiicada.
Tafatiraha arrimaha Carabta ee BBC-da ayaa sheegaya in halista dadka jihaaddoonka ah hadda laga dareemayo gudaha dalalka gacanka.
In kabadan labo boqol oo ruux ayaa ku dhaawacantay weerarkii jimcaha ee masaajidka Shiicada.
Weerarkaasi waxa uu ahaa kii ugu darnaa ee soo wajaha Shiicada Kuwait marka laga hadlayo taariikhda dhaw.
 
 

Leave a Reply