Taiwan: Boqolaal ku Sumawday Budo

0
456

In ka badan 500 oo qof ayaa ku dhaawacantay markii uu dab ka dhex kacay dad isugu soo baxay xaflad lagu qabanayay fagaare loo damaashaad tago oo ku yaalla duleedka caasimada Taiwan ee Taipei.
Arrintan oo dhacday sabtidii waxa ay timid kadib markii budo midabaysan lagu dhex tuuray dadkii halkaa isugu soo baxay dabadeedna uu dab ka dhashay.
Muuqaal la duubay markii uu dabku kacay ayaa muujinaya dadkii oo argagaxay isla markaasna qaylinaya.
190 qof ayaa la sheegay in uu dhaawac halis ah soo gaadhay kadib markii ay budadaasi ka gashay hab dhiska neef mareenka.
Qaar ka mid ah kuwii soo qabanqaabiyay xaflada ayaa la sheegay in ay booliisku su’aalo waydiinayaan.
 

Leave a Reply