Sheekh cuthaymiin caalimkii Sacuudiga ahaa ( Allah ha u naxariisto) ayaa la waydiiyay goorma ducadda qofka soomani ay tahay mid la aqbalo, ma ka hor afurka mise marka uu afurayo ama afurka kadib?.
Waxaana uu ku jawaabay sheekhu:
“Ducada mustajaabada ah ee ruuxa sooman la aqbalo dhamaan intaasi oo dhan weeye. Inta aanu afurin ama marka uu afurayo ama afurka kadib, sidaas darteed ruuxa sooman waa in ducada uu ku dadalaa marka uu sooman yahay, marka uu afurayo iyo ka diba. Oo uu Allah (sw) waydiistaa waxa kasta oo aduunkiisa iyo aakhiradiisa u wanaagsan.
Awood uma lihin in aan lacag iyo aduunyo xabaasha ku haysano, oo qabriga la galno, waxase aan awood u leenahay inaan wax bixino ka hor qabriga taasi oo noqonaysa tan inagaga horaysa aakhiro. Waana in aan bulshada masaakiinta wax siinaa oo wax taraa maalamaha khayrka badan. Sadaqaduna waxay ku wanaagsan tahay qarinta iyo in aan is tus tus lagu bixin.
Toddobada qof ee hadhsan doona maalinta Qiyaamaha hadhka carshiga Allah (sw) waxaa ka mid ah qof sadaqad bixiyay oo qariyay ilaa gacantiisa bidix aanay ogayn waxa uu ku sadaqaystay gacantiisa midig.