Saddex Qof Oo uu Ku Jiray Sarkaal Ka Tirsan Wasaaradda Maaliyadda Oo Ku Geeriyooday Shil Baabuur

0
352

Hargaysa (Dawan): Agaasimihii waaxda qorshaynta iyo tirro-koobka ee wasaaradda  Maaliyadda, iyo  sawir-qaade  ka tirsanaa telefishanka Horn Cable  iyo  sidoo kale   askari boolis ah oo ka mid ahaa   ciidanka  ilaaladda wasaaradda  maaliyadda ayaa  ku geeriyooday shil baabuur oo shalay galabnimadii ka dhacay  tuuladda Haleeya oo dhinaca  Barri  ka xigta   magaaladda Hargaysa.
 
Sidoo kale waxaa shilkaasi ku dhaawacmay derawalkii  wadday baabuurka  ay la socdeen marxuumiintaasi, iyadoo baabuurka ay ku dhinteen saddexda qof uu ka mid ahaa kolonyo baabuur ah oo la socday wefti uu hogaaminayay wasiirka maaliyadda Samsam Cabdi Aadan,  oo shalay  hawlo  shaqo u tegay  gobolka Saaxil gaar ahaan magaaladda Berbera. Hase yeeshee intii aanay soo gaadhin Hargaysa uu haleelay shilkaasi sababay dhimashadda saddexdaasi marxuum    oo magacyadoodu kala ahaayeen marxuum Weli Daa’uud  Cigaal,  oo ahaa Agaasimihii waaxda qorshaynta iyo tirro-koobka ee wasaaradda  Maaliyadda  iyo marxuum   Maxamed Daa’uud Yuusuf, oo ahaa sawir-qaade  ka tirsanaa  telefishanka Horn Cable  iyo sidoo kale  Muuse Cali Haybe, oo  isna ahaa  askari boolis ah oo ka tirsanaa  ciidanka  ilaaladda wasaaradda  maaliyadda.
 
Shilkaasi baabuur ee ay ku dhinteen    saddexda qof, ayaa ka dhashay  sida la sheegay  kadib  markii   ay isku dhaceen baabuurkii  ay saddexda marxuum  la socdeen oo noociisu ahaa ZUZUKI, kana   ka mid ahaa gawaadhidii la socotay weftiga uu hogaaminayay wasiirka maaliyadda  iyo baabuur  kuwa xamuulka qaadda ee loo yaqaano Waaraadka  oo ka yimid dhinaca Hargaysa.
Sidoo kale  dadkii  saarnaa baabuurkii  geystay khasaaraha dhimasho ee shilkaasi  lama sheegin in wax dhibaato ahi ka soo gaadhay shilkaasi, marka laga reebo burbur badan oo ku yimid gaadhiga.
Nuuradiin C/raxmaan Macalin, oo ahaa derwalkii waday baabuurka ay saarnaayeen marxuumiintaasi  oo uu  dhaawac fududi ka soo gaadhay shilkaasi ayaa  warbaahinta uga  waramay qaabkii uu shilkaasi u dhacay  Waxaanu  yidhi “Waxaanu ka nimid  magaaladda Berbera, markaanu marayno tuuladda Haleeya shishadeeda ayaa gaadhi weyn oo Waaraad ahaa   oo ka yimid dhinaca   Hargeysa   naga hor yimid.  mid kaloo Shaamboo ah ayaa damcay in uu soo dhaafo waaraadkii,  Markii aanu aragnay in uu soo dhinac carrarayo ayaanu wadadii dhinac uga yarro   baxnay si uu noo dhaafo, markaas ayuu daaqada Naga bilaabay, sidaasna shilkaasi ku dhacay.”
 
 
 
Dhinaca kale Madaxweynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa xalay    dhambaal tacsi ah u diray eheladda iyo qaraabadda saddexdii  marxuum ee shilkaasi ku geeriyooday.
Tacsidaasina waxa u qornayd sidan: Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu tacsi u dirayaa, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland, ee ay ka geeriyoodeen. Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu tacsi u dirayaa, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland, ee ay ka geeriyoodeen.
 

  1. Marxuum Weli Daa’uud Cigaal (masuul sare oo ka tursanaa Wasaaradda Maaliyada qaybta Qorshaynta)

 

  1. Marxuum Maxamed Daauud Yuusuf (Weriye ka tirsanaa Horn cable Tv)

 
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu tacsi u dirayaa, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland, ee ay ka geeriyoodeen

  1. Marxuum Muuse Cali Haybe (Askarigii ilaalada u ahaa wasiirka Maaliyada) oo shil baabuur oo naxdin leh ugu geeriyooday inta u dhaxaysa Berbera iyo Hargeysa ka dib markii ay dulmartay gaadhi booyad ahi, gaadhigii ay saarnayeen saddexdaa marxuum shilkaasina ay ku geeriyoodeen.

Madaxweynuhu waxa uu Alle uga baryayaa Marxuumiintaasi inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply