Daacish oo Yemen ku dishay 28 ruux

0
402

Kooxda Daacish ayaa weerar gaadhi walxaha qarxa ku xidhan yihiin ku qaaday caasimadda Yemen ee Sanca, iyagoo dilay ugu yaraan 28 ruux.
Weerarka ayaa lala beegsaday labo ka mid ah hogaamiyayaasha Xuutiyiinta oo joogay tacsida xubno qoyska ah.
Daacish ayaa ku qaaday weeraro dhowr ah Xuutiyiinta todobaadyadii dhawaa, iyadoo dagaalka Yemen uu sii xumaanayo.
Xuutiyiinta ayaa Shiica ah, waxayna Daacish u arkaan Xuutiyiinta kuwo  khilaafsan, iyagoo weeraray dhawaan bartilmaameedyo Shiicada oo ku yaal Saudi iyo Kuwait.
 

Leave a Reply