Hablo la Afduubay oo u Dagaalama Boko Xaraam

0
341

Qaar ka mid ah hablihii iskuulayda ahaa ee laga afduubtay magaalada Chibok ee dalka Nigeria ayaa lagu qasbay in ay u dagaalamaan kooxda Boko Xaraam, BBCda ayaa sidaa loo sheegay.
Markhaatigan ma aha mid la xaqiijin karo, laakin Amnesty International waxay sheegeysaa inay jiraan gabdho kale oo Boko Xaraam qafaasheen oo lagu khasbay inay dagaallamaan.
219 hablood oo ciyaal iskuul ah ayaa weli la la’yahay muddo sannad ka badan kaddib markii laga qafaashay iskuulkooda oo ku yaalla waqooyiga Nigeria.
Qaar badan oo gabdhahaas ka tirsan ayaa ah masiixiyiin.
Saddex  dumar ah oo sheegay in lagu hayey isla xeradii lagu hayey gabdhaha Chibok ayaa u sheegay barnaamijka Panorama ee BBCda ka baxa in qaar ka mid ah maskaxda laga beddelay oo hadda ay ciqaabaha u fuliyaan mintidiinta.
Mid ka mid ah gabdhahaas oo ka soo baxsatay Boko Xaraam ayaa sheegtay in 4 nin lagu hor gowracay kaddib markii ay diideen inay guursadaan dagaallamayaasha, ayadoo loogu hanjabay in waddadaas oo kale la marin doono haddii ay ku sii adkaystaan diidmadooda.
Waxay ku khasbanaadeen inay ogolaadaan guurka.
Kaddib waxaa lagu amray inay raggooda ka bartaan sida dadka loo gawraco, waxayna gabadhaas sheegtay in gabdhahaas oo maskaxda laga beddelay ay iyagana gowraceen rag masiixiyiin ah oo la soo qabtay.
Dumarka oo loo adeegsado falalka aadka u gurracan ayaa ah istaraatijiyad ay u isticmaalaan Boko Xaraam inay sharafta iyo bani’aadminimada kaga qaadaan si ay ugu khasbaan qaadashada afkaartooda.
Dr Fatima Akilu waxay madax ka tahay barnaamij ay Nigeria kula dagaallamayso xagjirnimada, waxayna gacanta ku haysaa ilaa 300 oo isugu jira dumar iyo carruur la soo samata bixiyey.
Waxay sheegtay garaacidda, jidhdilka, kufsiga iyo guurka khasabka ah inay aad ugu baahsan yihiin xeryaha Boko Xaraam.
Waddada dib u soo kabashada ayey sheegtay inay tahay mid dheer oo dhib badan, inkastoo ay la shaqaynayaan koox iimaamyo ah oo aad u yaqaanna tabaha dadka looga masaxo waxyaabaha lagu maskax beddelay.
Waxaa kale oo caqabad ku noqon kara sida ay dumarka la soo badbaadiyo dib ugu laaban lahaayeen mujtamaca bacdamaa ay qaarkood uur u leeyihiin dagaalyahanno ka tirsan Boko Xaraam, ama weli laga qabo shaki weyn oo baqdin ku jirto
 

Leave a Reply