Dhibaatadda Dhaqaalle Ee Isticmaalka Lacagaha Aan Sharciyaysneyn Qeybta 13-aad

0
359

Mas’uuliyad waddaninimo ayaa looga baahan yahay shirkadaha isgaadhsiinta ee  Somaliland ee ku shaqeysta adeegga loo yaqaan “Mobile Money” muddada ay xeer la’aanta ku shaqeysanayaan. Adduunka waxa ka socda cahdigan aan ku jirno dhibaatooyin ay ka mid yihiin ammaankii bulshada caalamka oo falal argagixiso khatar weyn ku hayaan.
Falalkaa argagixiso waa kuwa aan cidna ka qarsoonayn in fulintoodu aanay argagixisada dhaqaale la’aan u hirgeli kareyn. Sidaa darteed waxa khasab noqotay, in dhaqaaq kasta oo lacageed uu dal kastaaba la socdo, ha noqoto ta laysku diro gudo ama dibed, ta xisaabaha baankiyada layskugu shubo ama laga saaro iyo qaababka kale ee lacaguhu u sameeyaan wareegga. Waxa mar kasta sidaa loo yeelayaa si wax looga ogaado siday iskugu gudbiyaan lacagaha argagixisado markay qorshaynayaan inay falal argagixiso ka fuliyaan dal ama dalal dhawr ah waqti isku mid ah.
Ahmiyadda kale ee arrintan looga faa’iidaysanayaa waxay tahay iyadoo uu dal kasta oo  wax ka dhacaan uu si fudud u raad raaci karo haddii hawlgal argagixiso laga fuliyey dalkiisa, marka uu bilaabo baadhitaanka falkii ama falalkii dhacay.
Asbaabaha Mareykanka iyo dalalka kale qaarkoodba u diidaan xawaaladaha ka furan dalalkooda ama adeegyada Mobile money ee aan sharciga lahayn, gaar ahaan kuwa sida tooska ah aan ugu xidhnayn Baangiyada dalalkooda, maadaama aanay waxba ka ogaan karin  dhaqdhaqaaqa wareegga lacagaha ay uga ganacsadaan qaab ka duwan ka Baananka ganacsigu ku shaqeystaan, inay ka  hawlgalaan dalalkooda.
Dalka Kiiniya, ayaa ugu dambeeyay dalalka albaabada u xidhay xawaalaadaha  aan xidhiidhka wada shaqeynayd la lahayn Baangiyada kadib markay argagixisadu ka fuliyeen falal argagax leh dugsi ku yaalay gobolka Gaarisa ee dalka Kiiniya.Haseyeeshee haddana  qeylo-dhaan iyo cabashooyin far  badan oo dhinaca Soomaalida ka yimid ka dib ayey mar kale Dawladda Kiiniya dib u fasaxday xawaaladihii ay hore albaabada ugu laabeenee ka furnaa dalkooda.
Haddaba, ujeeddada aan u soo bandhignay arrimahan waxay tahay, si aan u xusuusiyo shirkadaheena isgaadhsiinta ee ku hawlan ka ganacsiga “Mobile Money” waxa waajib ku ah inay ilaaliyaan mas’uuliyadda ka saaraan wareegga lacagaha ee ay u kala gudbiyaan dadka, iyagoo ka ilaalinaya inay si fudud u gaadho lacag badani gacmaha argagixisada.
Waxa loo baahan yahay  oo kale inay xadiddaan lacagaha layskugu gudbin karo “Mobile money” oo ay ka taxadariraan in si madaxbannaan oo bilaa xuduud ah si degdeg ah u kala helaan lacagta ay doonaan iyo waqtiga ay doonaanba kuwa dhegaraha xambaarsani.
Mas’uuliyadaha kale ee saaran shirkadahan ka hor intaan loo sameyn xeerkii ay ku shaqeyn lahaayeen waxa ka mid ah oo kale, inay dhawraan waxyaabo badan oo si fudud u dumin kara dalka,  ha noqoto ta xagga argagixisada ama ta dhinaca dhaqaalaha.
Qaabka dhaqdhaqaaq ee shaqo ee suuqyada sarifka lacagaha qalaad, waxay maanta gacmahooda ku jirtaa shirkadaha isgaadhsiinta ee gacanta ku haya adeegga “Mobile money” iyo xawaaladaha, kuwaas oo looga baahan yahay in sicir-bararka ka ilaaliyaan dalka, maadaama iyagu yihiin kuwa awoodda u leh kor u kaca iyo hoos u dhaca qiimaha doollarka Mareykanka.
Geesta kale Baanka dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland, waa inuu waajibaadka uu xeerku siiyey u gutaan sida uu yahay una hawlgalaan sameynta xeerarkii lagu dhiqi lahaa adeega “Mobile money” si loo helo nidaam la raaco oo lagu hago adeegsiga tiknoolajiyada cusub ee loo yaqaan “Mobile money”. Tallaabadan fulinteedu waxay u sahlaysaa Baanka Dhexe ee JSL, inuu awood u yeesho wixii adeeg ah ee la xidhiidha wareega lacagaha, sidoo kalena kantarool sarifka lacagaha qalaad. Muddada diyaarinta xeerka inta ka horreysa, waxa looga baahan yahay Baanka Dhexe inuu xidhiidh joogto ah   la yeesho cid kastoo ku lug ka ganacsiga lacagaha noocyadeeda kala duwan.
LA    SOCO…………

Leave a Reply