Guryo iyo Magaalo la cidleeyay

0
447

Magaalada Newyork waa magaalooyinka ugu dadka badan dunida waxaana ku nool dad gaadhaya 8 Malyuun oo qof, haddana iyadoo sidaasi cidhiidhi u ah ayay cidla tahay jasiirad iyada aan kaba fogayn taasi oo cidla ah.
Jasiiradan waxa ku noolaa dad badan iyadoo ay ka dhisan yihiin guryihii ay degenaayeen sanadkii 1850, wakhatigaasi ayaa la heegay in loo adeegsan jiray  in lagu hayo ( karantiimeeyo) dadka qaba xanuunada oo wakhtigaasi aad looga baqan jiray madaama aanay jirin horumar caafimaad.
Laakiin sanadkii 1938 ayaa la xidhay jasiiradaasi. Markii dagaalkii labaad dhamaadayna waxa jasiiradda tegi jiray halyeeyadii dagaalka  iyo qaar ka mid ah ardayda jaamcadaha dalkaasi.
Sanadkii 1950 ayay dawladduu ka dhistay xarun dhaqan celin loogu sameeyo dadka mukhaadaraadku dishoodeen, laakiin sababo maamul xumo ayaa loo xidhay 1960, taasi oo ka dhigtay jasiiradan mid cidla ah oo guryaheedu haawanayaan inkasta oo ay qurux badan yihiin.

Leave a Reply