Diyaarad ku Burburtay Indonesia

0
306

Wararka ka imaanaya Indonesia ayaa sheegaya in laga baqayo dhimashada in ka badan  boqol ruux, oo ku dhintay markii diyaarad military ay ku burburtay meel deegaan ah oo ku taal Sumatra.
Taliye sare oo ciidanka cirka ah, Agus Supriatna, ayaa sheegay in 113 ay saarnaayeen diyaaradda markii ay ku soo dhacday banaanka Medan, oo ka mid ah magaalooyinka ugu weyn Indooniisiya.
Ugu yaraan meydka 66 qof oo kuwa dhulka joogay ay ka mid yihiin ayaa la soo saaray.
Waxaa la rumeysan yahay in qaar ka mid ah rakaabka ay ahaayeen ehalada shaqaalaha ciidamada cirka.
Diyaaradda ayaa dhacday waxyar kaddib markii ay duushay, iyadoo ku dul dhacday guryo iyo dukaamo.
Ma cadda waxa sababay burburka, balse saraakiisha ayaa sheegaya in duuliyaha uu dalbaday inuu ku soo laabto saldhigga sababo la xidhiidha cilad farsamo.

Leave a Reply