Hanaan Cusub Oo Kalluumaysi Oo Adduunku Daah-furay

0
316

Hanaan cusub oo xoojinaya sii jiritaanka kalluumaysiga oo la soo saaray, kaasoo inta badan keenaya ama faa’iido u ah deegaanka, waxaanay warbixinno cusub oo dhawaan soo baxay ay tilmaamayaan farsamooyin cusub oo lagu samayn karo dhaqaale badan oo bulshada dib ugu soo noqonaya, isla markaana laga midho-dhalin karo.
Daraasad ay sameeyeen cilmi-baadheyaal ka tirsan jaamacaddaha California Santa Barbara, Washington iyo ururka difaacayaasha deegaanka iyo dhaqaalaha, ayaa helay nidaam maamul oo xoogan oo ah hanaan caalami ah oo kalluumaysi, kaasoo kor u qaadaya lacag gaadhaysa $51 bilyan oo doolar sannadkiiba tobanka sanno ee socda.
Daraasadu waxay la kulantay dad gaadhaya 4,373 kalluumayste oo adduunka ku kala nool, waxaanay xaqiijisay in nidaamkan xoojinta ama jiritaan qorshaha maamul, sharci iyo  siyaasaddeed ay xaqiijinayaan in heerarka kala sareeya ee kalluumaysigu aanu keenayn in kalluunka la kala badsado ama uu meelaha qaarna ku yaraado meelaha qaarna ku bato.
Hanaankan maamul ee sii jiritaanka kalluumaysigu waxa uu kor u qaadayaa wax soo saarka kalluumaysiga ee adduunka 14%, kaasoo keenaya wax soo saar dheeraad ah oo gaadhaya 12 milyan oo ton oo cuntada badda ah, marka loo eego daraasadda.
Haddaba hanaankan maareyneed ee sii jiritaanka kalluumaysiga ee mustaqbalka fog ayaa ah mid aan weli soo gaadhin waddamada Afrika oo leh dhul-baddeed baaxad weyn, isla markaana aan sidii loogu talo-galay looga faa’iidaysan, waxaana la filayaa mustaqbalka haddii mashruucaasi uu soo gaadho Afrika inay noqon doonto meel qani ah.
 

Leave a Reply