INDHO XANUUNKA – Q2aad

0
368

Hooyada uurka leh uma fiicna inay kaadida xajisato ama caloosheeda oo taagan iska joogto,khaasatan marka ay bisha sagaalaad madaxa la gasho,waxaana hooyada uurka leh ee bisheedii sagaalaad gashay ku waajib ah inay dadaasho inta karaankeed ah oo aanay ka wahsan wixii dhaqdhaqaaq ah ee la gudboon haba cuslaatee waa inay is dirqido.
Xanuunada ilmaha indhihiisa lasoo darsa marka uu caloosha hooyadii ku jiro waxaa iyagana lasoo raaciyaa kuwo soo darsa marka uu ilmuhu dhalanayo,taasi oo ay fiican tahay in dadka caafimaadka hooyooyinka qaabilsani aad iyo aad iskaga jiraan inay dhaawac gaadhsiiyaan ilmo soo dhalanaya indhihiisa,waayo marxaladani waa mid aad iyo aad khattar u ah oo aan la dhayalsan karin,waxaana masuuliyadi ay ka saarantahay qofka dhakhtarka ah inaanu isticmaalin dawooyin aan ku haboonayn ilmaha soo fool leh indhihiisa,isla markaana uu ka ilaaliyo wixii cadaadis iyo jug u gaysan kara dhamaan agagaarka madaxiisa khaasatan indhaha.
Hadii aan intaas kaga gudubno waxii ilmaha soo gaadhi kara indhihiisa isagoo caloosha hooyadii jiifa bal aan ka hadalno sida ay waxyeeladu dibada uga bilaabanto,akhristow ma ogtahay in ilmuhu marka uu soo dhasho waxa ugu horeeya ee uu arkaa inay tahay iftiinka,waxa ugu horeeya ee uu uruyaana ay tahay naaska hooyadii,waxa ugu hereeya ee uu maqlaana ay tahay wixii looga dhigo,taasi oo diintu ina fartay in dhagtiisa midigna lagu adimo tiisa bidixna lagu aqiimo,sidoo kalena ay sune tahay in dhanxaraga loo mariyo timir yar oo khafiif ah.
Intaas kadib waxaa haboon in ilmaha laga dhaqo wixii nadaafad xumo ah ee saaran jidhkiisa isagoo lagu dadaalayo inaan indhihiisa markaaba saabuun kulul laga marine lagu isticmaalo biyo diiran iyo goob diiran mana fiicna in ilmuhu ku hoos noolaado bilawga hore ee isticmaalka indhihiisa nal xoogan oo toos dushiisa u sudhan waayo waxay taasi wiiqdaa habsami u wada shaqaynta indhaha iyo maskaxda,waxaana luma xidhiidhka wayn ee indhuhu ku qaataan cabirkooda toosnaan ee xaga fiirada,waxaana la arkaa caruur indhahoodu qaloocaan lixda bilood ee dhalashada kadib.
Inadha caruurta waxaa ku yar libiqsiga waxaana nuurka ka imanaya meel toos ahi uu wiiqi karaa habka diiradaha ishu ay u fadhiisiiyaan mawjadaha wareega ku yimaada ee nalka,maadaama bay dhakhaatiirtu leeyihiin isha ilmuha libiqsigu ku yaryihiin,xaalad koritaana ay indhuhiisu ku jiraan waxaa sidani ay wiiqdaa fayoobida toosnaaneed ee indhaha ilmahu u rikibmayaan.
Waxaa hooyada looga baahan yahay inay ilmaheeda ka jirto nalka tooska ah ee ku waajahan indhaha ilmaheeda ka yar hal sanno, hadii kale wuxuu noqon doonaa goor dhaw ilmo cawarn.
Sidaana waxaa daah furay dhakhtarkii waynaa ee ibnu siinaa maruu ka hadlayay qaliinka maskaxda iyo indhaha ka eeg kitaabkiisa nibraasu dawaa jabtarka dhirta wax suuxisa xiliga qaliinka.
Lasoco Qormada danbe….
Xigasho: Qormooyin uu qoray Sh.Jaabir
 

Leave a Reply