Kulan Lagu Dhamaystirayo Dastuurka Kubadda Cagta Oo Lagu Qabtay Hargeysa

0
428

Hargaysa (Dawan)- Agaasimaha guud ee Wasaarada Ciyaaraha Somaliland ayaa shalay magaalada Hargeysa ka furay kulan hawleed ku saabsan sidoo loo dhamays-tiri lahaa qabyo qoraalka dastuurka kubada Cagta jamhuuriyada Somaliland.
Kulan hawleedkan  oo lagu qabtay hoolka ururka dhalinyarada ee SONYO  oo socon doona mudo laba cisho ah, ayaa xidhiidhka kubada cagta Somalilladn waxa uu halkaasi ku soo bandhigay  qabyo qoraalka dastuur ka kooban 81-qodob, kaas oo loogu tala galay in mustaqbalka dhaw lagu dhaqo ciyaaraha kubada cagta ee Somaliland.
Kulankan ayey goob joog ka ahaayeeen agaasimaha guud ee wasaarada ciyaaraha, agaasimaha waaxda ciyaaraha, gudoomiyaha xidhiidhka kubada cagta, qaar ka mida tababarayaasha kooxaha heerka koobaad ee caasimada Hargaysa iyo khabiiro reer Somaliland ah oo ku xeel-dheer kubada cagta, kuwaas oo dib u eegis amaba lafagur ku sameynaya dastuurkani uu soo diyaariyey xidhiidhka kubada cagata ee Somaliland ee loogu talagalay inuu gundhig u noqdo ciyaaraha kubada cagta ee Somaliland.
Ugu horeyna waxa halkaas ka hadlay agaasimaha guud ee wasaarada ciyaaraha Maxamed Xuseen Axmed (Dhabeeye), isga oo soo dhaweeyey dastuurkan uu xidhiidhka Somaliland uu soo diyaariyey isagoona sheegay inuu noqon doono mid wax wayn ka tara ciyaaraha Somaliland waxaana uu yidhi agaasimuhu “Aad baan u soo dhaweenayaa dastuurkan, wasaarada iyo fadareeshinadu way wada shaqeeyaan waana ay wada jirayaan, fadareeshinku wuu u madax banaanyahay shaqadiisa iyo hawl maalmeedkiisaba, aasaaskiisa ayuu u madax banaannaanayaa, dhaqaalihiisa ayuu u madax banaanaanayaa, siduu u fikirayo ayuu u madax banaannaanayaa, laakiin wuxuu ku soconayaa siyaasada dalkaasi ka leeyahay horumarka, masalan xeerkaa ama dastuurkaa kubada cagta waxa uu ka duulayaa siyaasada aynu ka leenahaya ee ciyaaraheena ku horumarinayno, markaa waxaan is leeyahay kulankan maanta (shalay) waa kulan taariikhiya dadkiina halka lagu soo casuumay ee la doonayo inay arintan lafa guraan waa intii looga maarmi waayey hawshan ee la bidaayey inay aqoonta u leeyihiin mid farsamo u leeyihiin, mid karodhsiimo u leeyihiin”
Waxa iyagan dhankooda ka hadlay agaasimaha waaxda ciyaaraha Maxamed Nuux Jibriil iyo gudoomiyaha xidhiidhka kubada cagta Cabdilaahi Khayre Cawaale ayaa iyagun tilmaamay inuu yahay mid loo baahnaa dastuurkan xidhiidhka kubada cagata uu ugu talagalay ku maamulida ciyaaraha ee dalka, isaga oo sheegay gudoomiyuhu inay ku dabaqeen sharciyada ama ba dastuurka CAF oo ah xidhiidhka kubada cagta ee bariga iyo bartamaha Afrika iyo FIFA oo ah xidhiidhka kubada cagta adduunka.
By. Cabdi M. Safwaan
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply