Madaxweyne Siilaanyo Oo Abaal-marino Qaali ah Iyo Baabuur Guddoonsiiyay Ardaydii Kaalmaha Hore Ka Gashay Taratankii Qur’aanka Kariimka

0
292

Hargeysa  (Dawan) –  Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shalay abaal marino iskugu jira Baabuur noociisu yahay NOHA  iyo hadiyado kala duwan guddoon siiyay Ardayadii kaalmaha hore ka gashay tartankii qur’aanka kariimka ee lagu soo gabo-gabeeyay Masjidka Cali Mataan ee magaalada Hargeysa.
 
Munaasibad lagu qabtay xarunta Madaxtooyada waxa ka soo qayb-galay Wasiirrada diinta iyo awqaafta, Madaxtooyada , Culimo ka socday Jaamacada Al-Azhar ee dalka Masar iyo Imaamka Masjidka Cali Mataan Sheekh Maxamed Aadan iyo mrti sharaf kale.
Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo  ayaa sheegay in muhiimad weyn la siiyo dhiiri-gelinta xifdiga qur’aanka kariimka “Farxad weyn bay i tahay inaan maanta xafladan ka soo qayb-galo, waa arrin ahmiyad weyn leh qiraa’adda  qur’aanka kariimka ah in aynu xoojino oo culayska iyo miisaanka ay leedahay xoojino, xasanaad baa innooga kordhaya oo wax fiican weeyaan, wax waad u wanaagsan weeyaan. Markaa mar walba in aynu qiimayno oo kor u qaadno, oo cisiga iyo sharafta uu  leedahay aynu siino waa lagama maarmaan, markaa waxaan aad iyo aad u soo dhaweynayaa oo aan ku hambalyaynayaa cid kasta oo ka soo qayb-gashay xafladan iyo dhalinyarrada ka qayb-gashay qiraa’adda  qur’aanka kariimka ah, aad baana idinku mahadnaqayaa,” Ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo
Wasiir Madaxtooyada Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan oo isna halkaasi ka hadlay ayaa bogaadiyey tartankan  islamarkaana u hambalyeey aradaya kalmaha hore ka gashay, waxaanau xusay inay muhiim tahay in kor loo qaado qur’aanka kariimka ah iyadoo sharaf iyo maamuus u ah diinteenna islaamka, sidoo kalena waxa uu hambalyo u diray  Wasaarada Diinta iyo Awqafta Somaliand oo tartankan soo abaabushay.
 
Dhinaca kale waxaa isna halkaasi ka hadlay mid kamida Culimada Masaarida oo ka socday Jaamacada Al-Azhar islmarkaana maal mihii u danbeeyey ku sugnaa magaalada Hargeysa,  waxaana ay sheegeen in Somaliand makaan nabada iyo horumarku ka tis qaaday sidoo kalena waxay soo dhaweeyeen  tartanka quraanka kariimka iyo kor u qaadida diinta islaamka, waxaana ay Madaxweynaha iyo Xukuumadda ku amaaneen amniga iyo nabadd-gelyada ka jirta. Somaliland.
Ardayda ku guulaysatay tartankan oo ka kooban afar waxay u kala guulaysteen sidan:-
 

  1. Cabdiwahaab Ismaaciil Maxamed (Hargeysa)$700, Kitaab quraana iyo hadyado kala duwan oo ka kooban todobad shay.

 

  1. Cali Aadan Cismaan (Berbera)$1,000, Mobile qaaliya iyo hadyado kala duwan oo ka kooban todobad shay.

 

  1. Ismaaciil Cumar Madar (Hargeysa) $1,300, Kitaab, Laptop qaaliya iyo hadyado kala duwan oo ka kooban todobad shay.

 

  1. Maxamed Axmed Xasan (Hargeysa) Gaadhi,$200 iyo hadyado kala duwan oo ka kooban todobad shay.

 
By. Khaalid Xabsi
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply