Senegal: Legdinta Tartanka Cajiibka

0
346

Waxay ku legdamayaan dhul quruurux ah, iyagoo si cadho leh oo aflagaado u badan isugu hanjabaya oo ay maqlayaan dadka ku soo xoomay ee daawanaya.
Waxay is weydaarasanayaan darbado halis ah , iyagoo mid kastaa rab inuu dhulka dhigo oo uu ka adkaado ka kale. Tani waa legdinta Senegal oo dad badani aad uga yaabisa. Laakiin labada nine ee Bala Jay 2″ iyo  Aemio Sini ayaa ku tartanka Le Choc iskaga hor imanaya Garoonka Dema ee magaalada Dakar.
Wargeyska Daily Mail ayaa daabacay todobaadkan in legdintan oo wadata darbado halis ah oo qofku ku dhiman karo laga yaqaano dalka Senegal oo keliya. Waxaana ay soo jiidatay dad badan. Tartamayaash oo gashan dirayska huruudda ah ayaa garoonka soo galla. Waxa dhex mara dagaal xun iyadoo wakhtigaasi cadceeduna aad u kulushahay. Ciyaarta ayaa socota oo keliya 4 daqiiqo iyo 10 ilbidhiqsi. Waxaana ugu danbaysta laga guulaystaa ka dhiniicsa dhulka la dhigo, ka dib marka ay ku dhacaan darbado uu adkaysan waayo inuu sii taagnaado. Tartanadan ayaa loo sameeyaa si loo helo lacag. Waxaana la siiya mid kasta oo ka mid ahi 200 kun doller.

Leave a Reply