Wasiirka Daakhiliga Oo Luuqad Adag Ugu Hanjabay Xisbiyadda Mucaaridka Ah

0
329

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Cali Maxamed Warancadde  ayaa sheegay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono cid kasta oo ka hor timaada Qaraninimada Jamhuuriyada dalka.
Wasiirka wasaarada Daakhilga Mudane Cali Maxamed Warancadde ayaa waxa uu sidan ka sheegay shir jaraa’id oo shalay ay si wada jir ah  u wada qabteen xukuumada iyo xisbiga Kulmiye, waxaana uu xisbiyada mucaaradka ah ku eedeeyay  in dhawaaqyadoodu la xidhiidhaan midnimada Soomaali weyn taas oo uu tilmaamay in Somaliland Qaranimadeeda dib ula soo noqotay 1991-kii, taas oo loo soo maray halgan dheer oo qadhaadh.
“Dalkan waxa loo soo maray dhib faro badan, ummad dhan baa loo laayay si ay gobanimo u gaadhaan, waxaana samaystay dadkan Qarankan iyo dawladnimadan, waana ogtihiin waxa innagga maqan,  dhib kasta ha ina soo gaadho maanta waxa aynu  ku naaloonaynaa dawladnimo aanu ka qaadanay Boqortooyadii Ingiriiska,”ayuu yidhi Wasiir Waran-cadde.
Wasiirku waxa uu tilmaamay in aan loo dul-qaadan doonin kuwa ku dhawaaqaya in aanay dalka dawladi ka jirin, waxaana uu yidhi “Cayda waanu ka dul-qaadanaynaa, kuwa madaxweynaha aflagaadeeya waanu u dul-qaadanaynaa laakiin marka la yidhaahdo dawladi ma jirto, himiladii umaddani u soo dagaalamaysay intaas oo sanno, marka la yidhaahdo ma jirto waxa aanu leenahay adiga ayaan jiri doonin qofka sidaas aaminsanoow, balanna waxaa aanu ugu qaadanaynaa  ninkii qaranimada iyo dawladnimada ka hor yimaada in aanu barno qaranimadu waxa ay tahay shacabkuna taa ha ogaado”.
Wasiir Warancade waxa uu xusay in xisbiyadda mucaaradka farriin u dirayaan  Soomaaliya oo Somaliland hore uga go’day, waxaanu yidhi “Waxa aan u arkaa  in farriin loo dirayo Soomaaliya,  taasina ma soconayso, Somaliland go’aan bay gaadhay 1991-kii, way ka go’day Soomaaliya dibna ugu noqon mayso, cid ka baayacmushtarayn kartaana ma jirto, cid hadal cid u diri kartaana ma jirto, waxa aan leeyahay ha laga waantoobo, shuruuc baynu leenahay doorashaddu way qabsoomi wayday cidii ku shaqada lahayd ama ha ahaato Komishanka doorashooyinka ama Guurtida ayaa kordhisay, wixii nidaam ah ee la isla gartaana wuu soconayaa, dawladdu way jirtaa ninkii yidhaahda ma jirto way jiidhi doontaa.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply