Hablaha 26 Ka Guursadaa Caruurtoodu Waxay Noqotaa Kuwo Caqli Badan

0
330

Daraasad cusub oo dhowaan lasoo bandhigay ayaa lagu sheegay natiijadii kasoo baxday in caruurta ay dhalaan hablaha iyaga oo 26 ka sareeya la guursadaa ay noqdaan kuwo ka caqli badan kuwa ay dhalaan hablaha iyaga oo aad u yar yar la guursadaa,kuwaas oo sidoo kalena noqda kuwo ka caafimaad badan.
Daraasadan oo ay sameeyeen khubaro kala duwan ayaa sheegay inay baadhitaano ku sameeyeen 19.5,000 oo caruur ah ,kuwaas u kala dhashay wadamada Brazil,Guatemala,India,South Africa iyo wadanka Philippines ,iyaga oo dhulkaasi daraasadaasi kusoo sameeyey muddona ay ku qaadatay.
Khubaradan ayaa sheegay inay daraasadan awooda ku saareen farqiga u dhexeeya marka hooyadu ku guursato wixii ka hooseeya 20 ka sanno iyo markay ku guursato wixii ka sareeya ilaa inta laga gaadhaayo 26 sanno iyo sida ay caruurtoodu noqonayaan.
Waxaana dumarkan intooda badan la eegaayey da’da ay ku guursadeen iyo siday caruurtoodu u kala duwan yihiin,waxaanay khubaradani cadeeyeen in hablihii ku guursaday da’da ah 26 iyo wixii ka sareeyaa noqdeen kuwo caruurtoodu ka duwan yihiin kuwa ku guursaday inta ka hoosaysa da’da 20 ka sanno,kana caafimaad badan yihiin.
Khubaradan ayaa sheegay in 70% ay caruurta ay arkeen hooyooyinkood ku guursadeen da’daasi 26 jirka iyo wixii ka sareeya ,halka 30% na ay ahaayeen kuwo ku guursaday 20 jir ka inta ka hoosaysa,ayna aad uga caafimaad xumaayeen maskax ahaana uga hooseeyeen kuwa kale.
Khubaradani waxay sheegeen inay sii wadayaan daraasadan ,ilaa ay ka helayaan natiijo dheeraada oo laga heli karo faa’iidooyin intan ka badan,wixii natiijo ahna ay qoraalo ka samayn doonaan.
 
 

Leave a Reply