Jaamacadda Maraykan Ah Oo Sheegtay Inay Diyaarinayso Dawooyinka Lagula Tacaalaayo Xanuunka Corona

0
287

Jaamacadda ku taalada dalkaasi Maraykanka oo lagu magcaabo University of Meryland ayaa sheegtay inay diyaarinayso dawooyinkii lagula tacaali lahaa xanuunka loo yaqaano Corona oo ka dilaacay wadankaasi Koonfurta Kuuriya iyo wadamaday Jaarka yihiin.
Khubarada dhinaca Sayniska ee jaamacaddaasi ayaa sheegay inay hadda wadaan tijaabadii dawadaasi oo lagu samaynaayo Jiir nooca tijaabooyinka ee cad cad ah,kaas oo la filaayo inuu si fudud uga gudbo tijaabadan.
Dawadan ayaa u qaybsan siday khubaradani sheegeen laba qaybood oo kala noqonaaya noocyada REGN3051 iyo REGN3048,kuwaas oo si fudud u kala dhex geli kara unugyada is haysta ee Viruse-ka xanuunkaasi keena,taas oo daciifinaysa Fayraskaasi ama xanuunkeenahaasi,taasina ay keeni karto marka dambe in si fudud looga takhaluso.
Xanuunkan Corona ayaa markii ugu horeysay lagu arkay wadanka Sucuudiga,kaas oo wadankaasi ka dilaacay sannadkii 2012 kii,waxaana u dhintay nin oday ahaa waqtigaasi,kaas oo leh calaamado xumad iyo qufac kamid yahay ,waxaana intaasi u dheer dhibaatooyin dhinaca neefsiga ah.
Xanuunkan ayaa ku faafay wadamo dhawr ah ,kaas oo gaadhay bishii April ee sannadkii 2014 kii,waxa uu isla sannadkaasi gaadhay wadanka Maraykanka,halka uu bishii January ee sannadkana gaadhey barriga qaaradda Aasiya,waxaana ugu dambeeyey wadanka Kuuriyada Koonfureed.
 
 
 
 
 
 

Leave a Reply