“Qur’aanka ALLAA Sharfay , Ardayda Laabta ku Xafidayna in la Sharfo Qaran ahaan waa Innoo Sharaf”

0
409

Hargeysa (Dawan):- Madaxtooyadda Somaliland ayaa si wayn u maamuustay   ardaydii ka qayb gashay tartankii Quraanka Kariimka ah isla markaana guddoonsiisay abaalmarino qaaliya.
 
Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Xirsi  Cali Xaaji Xasan oo  ka hadlay sida ay Xukuumad ahaan u maamuuseen ardayda ka qayb gashay Tartanka Quraanka Kariilma iyo in ay waajib  tahay waynaynta  cidda xaafidul quraanka  ah.
“Waxaa Salaasadii  kulan maamuusid iyo dhiiri-gelin isugu jira Madaxweynaha JSL uu ugu sameeyey ardayda kaalimaha hore ka gashay tartankii Qura’anka Kariimka ee Bisha Barakaysan ee Ramadaan ka  socday Masjidka Cali Mataan ee Caasimada Hargeysa
Waxaa xaqiiq ah in Qur’aanku yahay iftiin halka Alle inooga yimid isla markaana mudan yahay in la weyneeyo cid walba oo Qur’anka ku abtirsatana “Ehlu Qur’aan” la sharfo lana maamuuso.”
Ugu dambayn waxaa uu duco iyo hambalyo u diray dhammaan ardaydii ka qayb gashay tartanka Quraanka kariimka ah.
“Waxaan duco iyo hambalyo u diraya ardayda, waalidkooda iyo Macalimiintii dedaalka faraha badan geliyeyba waxaanan uugu bushaaraynayaa wixii Alle u balan qaaday oo ah in Alle maalinta Qiyaamaha TAAJ iftiin badan guudkooda saari doono isla markaana cid walba qalbiga ka jeclaysan doonto in Ubadkooda ay Qur’anka Illaahay Xafidsiin lahayeen. Allaha Sharfo waa dad Sharaf badane.”ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan.
By: Faysal  Xiis  Weerar(Afgaab)
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply