Taariikhda Lacagta Iyo Khatarta Ka Dhalan Karta Hadii Uu Maamulkeedu Ka Baxo Gacanta Dawladaha Qaybta 2aad

0
347

Todobaadkii hore qaybtii  koowaad ee Qormooyinkan taxanaha ah ee aynu ku eegayno Taariikhda lacagta iyo halista ka dhalan karta hadii uu maamulkeedu ka baxo gacanta dawladahu waxay inoogu joogtey    in  uu dalka Somaliland   noqday dalkii ugu horeeyey dunida oo dhan  ee  ay lacagtiisa maamulaan shirkado ganacsato ah oo gaar loo leeyahay, isla markaana macaash doon ahi. Kuwaas oo weliba lacagtii wadanka ka dhinac samaystay lacag kale oo ay iyagu gaar u leeyihiin, taasoo ay maalin walba samaystaan xadiga ay doonaan ee ay u baahdaan, maadaama ay yihiin shirkado aanay cidi la xisaabtamin,   oo  aanay xitaa   jirin cid la  og,  ama ka warhaysa   lacagta ay  maalin kasta samaystaan tiradeedu inta ay tahay. Taasina ay sababtay  in lacagtii wadanka iyo dhaqaalihii ummadu lahayd oo dhami ku ururaan gacanta shirkadahaas.
 
Hadaba inaga oo ku soo laaban doona shirkadahan iyo sheekadoodaba hadii aynu sii wadno mawduuceenii ku saabsanaa Taariikhdii lacagta iyo halista ka dhalan karta hadii uu maamulkeedu gacanta dawladaha waxaa jirtey in  Sanadkii 1971 ay dalka Faransiiska iyo dalal kale oo uu Bangiyadooda  dollar faro badani yaalay  inay ka dalbadeen wadanka Maraykanka in uu lacagahaas dollarka ah ee ay haystaan ugu bedalo Dahab. Maadaama uu heshiiskii Bretton ee la wada gaadhay  sidaas dhigayey. Hase ahaatee Maraykanka ayay xiligaas u suurto-geliweyday inuu helo dahabkii ay wadamadaasi u baahnaayeen ee ay ka dalbadeen inuu ugu bedel doolarka haystaan.
 
Sidaa darteed Maraykanku waxa uu islamarkiiba ku dhawaaqay inuu ka baxay oo uu ka guuray nidaamkii  lagu heshiiyay ee (Bretton Woods System). Isla markaana waxa uu cadeeyay inuu u guuray waxa loo yaqaano nidaamka lacagta socota (Flexible Exchange Rate System).
 
Nidaamkaas oo ah mid fasaxaya   in Bangiga dhexe ee dalkastaa leeyahay uu daabacan karo xadiga lacageed ee uu kolba dalkiisu u baahdo, iyada oo aan sidii hore wax dahab ah lagu salaynayn qiimaha iyo damaanada lacagtaas. Balse lagu salaynayo  khayraadka dabiiciga ah ee uu dalkaasi leeyay iyo sida ay kolba wadamada kale ee dunidu ugu baahdaan isticmaalka lacagta dalkaas. Taasina waa sababta ay had iyo jeer dawladaha oo dhami  xooga u saaraan sidii ay u soo saari lahaayeen khayraadka dalalkooda ee ay u badin lahaayeen waxyaabaha ay dibada u dhoofinayaan, isla markaana ay u yarayn lahaayeen alaabooyinka iyo waxyaabaha kale ee ay dibada uga baahan yihiin, ama ay dibeda ka soo dejisanayaan (Import and export).
 
Nidaamkani waxa  uu sidoo kale sheegayaa in uu Bankiga dhexe ee wadan waliba xukumo waxa loo yaqaano    heerka sarifka go’an ee lacagta (A fixed exchange rate). Taasoo macnaheedu yahay in dawlad kastaba uu Bankigeeda dhexe masuul ka yahay inuu  jaangooyo qiimaha go’an ee lacagta dalka, isaga oo qiimahana u qiyaasaya lacagaha kale ee xooga loo isticmaalo sida doolarka oo  kale, ama ku salaynaya waxyaabaha kale ee qiimaha leh sida  dahabka,  Silver-ka iwm. Sidaa aawadeed nidaamkan oo ah mid waxtar iyo waxyeeloba leh,  waxaa kale oo  inta badan loo isticmaala si ilaaliyo qiimaha ay  lacagta dalku leedahay ee loo gooyey,  oo  ah waxa ay wax ku jarayso in lagula socdo, si aanay  u dhicin in lacagta dalka ay ku yimaadaan qiime korodh ama qiimo dhac. (Inflation or  deflation).
 
Arimaha  kale ee nidaamkan  loo adeegsado waxa ka mid ah  sida loo ilaaliyo isticmaalka lacagta  dalka oo runtii ah arin aad u muhiim ah,  maxaa yeelay hadii uu lacagta dalka isticmaalkeedu yaraado, oo dalka gudihiisa waxba lagu kala iibsan waayo, waxaa imanysa inay  yaraato baahida loo qabo isticmaalka lacagta dalka. Iyada oo hadii  taasi dhacdona ay imanayso sida haatanba dalkeena ka jirta inuu isbedelo oo hoos u dhac ku yimaado qiimihii  Bankigu u gooyay  lacagta wadanka, taasi oo  iyana horseeda  inuu markaaba  sicir barar ka bilaabmo dalka.
 
Sidaa daraadeed waa waajib in la  ilaaliyo baahida loo qabo isticmaalka  lacagta qaranka si aanu isbedel ugu dhicin qiimahii Bankigu u gooyey lacagta wadanka ee ku salaysnaa   nidaamka heerka sarifka sugan (A fixed exchange rate).
 
Waana Bankiga dhexe ee dalka cida iska   leh ee uu  sida gaarka ah xilku uga saraan yahay  qiimo u goynta lacagta qaranka iyo weliba inuu ku ilaaliyo qiimaha uu u gooyay.
 
La Soco Khamiista dambe……

Leave a Reply