Caalamku Wuxu Ku Dhamaanayaa Qarax Weyn Oo Bilaabmay

0
346

Khubaro Saynis yahano ah oo u dhashay dalkaasi Maraykanka ayaa sheegay inay awood u yeesheen inay helaan waxyaalo muujinaaya in Caalamku dhamaan doono 22 Milraam kadib,taas oo ah tiro ay iyagu u qaateen cabir ahaan,waxaanay khubaradani sheegeen in ay heleen qarax weyn oo ay u bixiyeen Dark Energy,kaas oo ay yidhaahdeen waaka burburin doona Konka.
Khubaradan ayaa sheegay in caalamka soo gaadhi doonaan waxyaalo faliidho ah oo dab ah, kuwaas oo ka imanaaya waxyaalo olol ah oo ay shegeen inay hawada ku arkeen,kaas oo aad uga fog waqtigan caalamka,laakiin mustaqbalka soo gaadhi doona,madaama oo uu marba marka ka dambaysa soo dhowaanaayo.
Khubaradan ayaa sidaasi ku sheegay qoraal ay ku qoreen wargeyska lagu magcaabo D Fhysical Rewiew,waxaanay sheegeen inay waxyaalahaasi ka arkeen Satelaytka,kaas oo marba marka ka dambaysa ku baahaaya caalamka korkiisa.
Khabiir kamid ah khubaradaasi Saynisyahanada ah oo lagu magcaabo Andrbelt Marcelo Disekontsa ayaa sheegay in waxyaalaha ay arkeen uu yahay shay sida dareeraha oo kale ah,sidoo kale qaybo kamid ahi ay yihin sida waxyaalaha lagu cadaydo ee Koolgeytka loo yaqaano oo kale ah ,kuwaas oo ay sawiro uun ka qaadeen .
Waxyaalahan ayuu khabiirku sheegay inay jarayso xawaare aad u dheeraynaaya mararka qaar oo ay ugu soo dhowaanayso caalamka,sidoo kale waxa uu tilmaamay inay mararka qaar istaagayso ,taas oo hadba is bedbedelaysa,isaga oo intaas ku daray inuu mararka qaarkood ka dheerayn karo laydhka ama iftiinka.
Khabiirkan ayaa sheegay in ay jiraan laba shay oo suurtogal ah in uu shaygani noqdo kii baabi’in lahaa caalamka,kaas oo mid ay khubarada cilmiga Physics ku u yaqaanaan Big Bang,kaas oo ah kan la yidhaahdo Dark Energy  iyo kuwo kale oo lamida ah,waxaanu sheegay inuu ka samaysan yahay waxyaalo ololaaya oo falaadhihiisu soo gaadhi karaan mustaqbalka caalamka.
Ka kale ayuu ku sheegay in la yidhaahdo Big Fridge ,kaas oo mar keliyaata qarin kara xidigaha iyo waxyaalaha kale ee u dhow dhow,kaas oo yaraynaaya banaanada u dhexeeya xidigahaasi iyo waxyaalaha kale ee cirka lagu arko,.
Waxaanay khubaradani sheegeen in caalamka sii kululanayaa uu keeni karo inuu soo dhowaado shaygaasi,noqona karo waxyaalaha inagu sababaaya kulaylkan,waxaanu usoo jeediyey in la yareeyo qiiqa hada waxyeelaaya ee warshadaha.
Marcelo ayaa ugu dambayn sheegay inay si dhow ula socdaan dhaq dhaqaaqa shaygaasi iyo ashyaa kale oo ay hore u arkeen,kuwaas oo marba marka ka dambaysa caalamka kusoo dhowaanaaya.

Leave a Reply