Dayaarad ku Shaqaynaysa Tamarta Qoraxda oo Samaysay Duulimaad Taariikhi ah

0
370

Dayaarad ku shaqaynaysa tamarta qorraxda (Solar)  ayaa iyada oo bedabta soo caga dhigatay  jasiirada  Hawaii kadib markii ay ka soo kicitantay dalka Jabaan, socdaalkaasi oo qaatay  8,000km waxa ay kaga soo gudubtey badweynta baasifiga.
 
Fogaanshahaasi waxa ay ku qaadatay in ay hawada ku jiro  118 saacadood, waxaana ay  rikoodh u dhigtay dayaarad ku shaqaynaysa tamarta qoraxda oo duuliye wado.
 
Lugta socdaalkan ayaa hore dib loogu dhigay hawada oo aan saamaxayn awgeed.
Dayaarad oo uu wadey Andre Borschberg ayaa dib loogu fasaxay duulimaadka bil kadib  isniintii markii cimiladu hagaagtay.
 
Lugta labaad ee socdaalka ayaa waxa duulinaya dayaarada bayloot  Bertrand Piccard, kaasi oo ka kacaya  Hawaii geynayana  Phoenix, Arizona.
 
 
 
 

Leave a Reply