Xayawaan Ku Cusub Dalka Ruushka Oo Badda Dalkaasi Laga Helay Isaga Oo Kasoo Caaryey

0
371

Barriga wadanka Ruushka ayaa laga helay xawayaan cusub oo aan hore loogu arag badaha wadankaasi Ruushka, sida ay xaqiijiyeen khubarada tira koobka xayawaanaadka badda ee dalkaasi Ruuska, waxaanay khubaradani sheegeen in aanay ilaa hadda Culimada Saynisku cadayn waxa uu yahay.
Xayawaankan oo an mid dib aad u dheer leh ayaa lagu arkay isaga oo yaala meel xeebta ah oo u dhow madaarka Hachtarsk,taas oo u dhow jasiiradda Sakhalin,sida ay warbaahinta u sheegeen khubaradaasi.
Xayawaankan ayaa leh dib aad u dheer iyo san isaga laftiisu dheer,sidoo kalena waa mid xayawaanada kale ka dheer,kaas oo aan noociisa hore loo arag.
Khubaradan ayaa soo bandhigay sawiro laga soo qaaday xawayaankaasi,kaas oo loo soo bandhigay warbaahinta,iyada oo dadka qaarkood ku sheegeen inuu yahay Dinosaur,halka kuwo kalena ay waxay ku sheegaan garan waayeen.
Si kastaba ha ahaayee khubarada ayaa baadhaaya waxyaalaha uu noqon karo xayawaankaasi,iyaga oo sheegay inay geyn doonaan meel laab ah oo lagu eego.
Nokolai Kim oo ah agaasimaha Maxadka Sakhalin ,qaybtiisa cilmibaadhisaha  kaluunka iyo xayawaanaadka badda ayaa sheegay inay haystaan khubaro badan oo dhinaca noolaha badda aad u kala yaqaana,kuwaas oo ay u dayn doonaan daraasada xayawaanka,marka la soo gebo gebeeyona laga soo saari doono warbixin waxa uu yahay lagu sheegaayo.
 
 

Leave a Reply