Maraykanka: ‘Waxaan Ahay Gabadh Nasiib Xun”

0
337

Dadka aan qadarka rumaysnayn marka ay dhibaato ku dhacdo waxay aaminaan in nasiibkoodu xun yahay. Mararka qarkood dadkaasi haddii dhibaatadu ku soo badato nafta ayay iska gooyaan.
Gabadh Maraykan ah oo lagu magacaabo Milania Martinear ayay sheegeen inay tahay gabadha ugu nasiibka xun dalka Maraykanka. Gabadhan ayaa shan guri oo ay lahayd ay ku burbureen duufanadii kala danbeeyay ee ka dhacayay dalka Maraykanka. Sanadkii 1965 gurigeedii ugu horeeyay ayay ku weyday duufaankii Pietas ee ka dhacay dalkaasi.  Muddo ka dib ayay guri kale dhisatay laakiin hddana duufaankii sanadkii 1985 ee Khawan ayaa gebi ahaantiis burburiyay. Mar kale ayay dhisatay guri laakiin isagana waxa burburiyay duufaankii Maraykanka ka dhacay sanadkii 1998.  Duufankii Katareina ee dhacay sanadkii 2005 aya isna ka buburiyay gurigeedii afraad.
Haddaba markii dhibatadaasi gaadhay ayaa Telefishinada dalkaasi mid ka mid ah gurigeeda ugu danbeeyay dib u habayn iyo dib udhis ugu sameeyay isagoo la socday dhibaatadii ka soo gadhay guriyaheeda,. Waxaana Telefshinku ugu dhisay si aad u qurux badan kaasi oo aanay malaysan Karin.  Laakiin ma sii joogin muddo badan duufankii dhacay sanadkii hore August 29 , ayaa gebi ahaantiis baabiiyay kaasi oo ay ka nabad galeen oo keliya xayawanadii joogay guriga. Mar la waraystay ayay hadalkeeda ku soo koobtay “ Waxaana ahay gabadh nasiib xun”.

Leave a Reply