Nin Reer Hindiya Ah Oo Loo Aqoonsaday Sannadkan Ninka Caalamka Ugu Afka Weyn

0
319

Ninka adduunka ugu afka weyn oo lagu magcaabo Dinesh Upadhyaya oo u dhashay dalkaasi Hindiya ayaa loo aqoonsaday inuu yahay nin adduunka ugu afka weyn,isaga oo ka guulaystay kana qaaday kaalinta kowaad nin kasoo jeeda dalkaasi Maraykanka oo kaalintan hore u haystay.
Ninkan ayaa shaqadiisu tahay macalinnimo,waxaanu sheegay inuu muddo dheer ku hamiyaayey sidii uu ugu guulaysan lahaa inuu noqdo ninka caalamka ugu afka weyn,sidoo kalena dhigo Rikoodh cusub,iyada oo sannadkan loo aqoonsaday inuu yahay ninka ugu afka weyn adduunka.
Ninkan ayaa afkiisa geliyey markeliyaata 12 qalin oo nooca Beensalka loo yaqaano ah,sidoo kale waxa uu markaliyaata ninkani afkiisa geliyey kubada lagu ciyaaro ciyaarta Golf-ta loo yaqaano oo shan midh ahayd.
Ninkan reer Hindiya waxa uu ka guulaystay nin kale oo lagu magcaabo Todd De Fazio ,kaas oo ku guulaystay rikoodhkan sannadkii 2010kii.

Leave a Reply