Shaqaalaha Oo Saacaddo Kooban Seexda Goobta Shaqadu Waxay Firfircooni Gelisaa Shaqadooda

0
326

Koox Saynisyahano iyo Kooxaha Cilmi nafsiga ku takhasusay ah ayaa sheegay in shaqaalaha oo goobaha shaqada iyo meelaha ay awoodi karaan inay seexdaan saacado seexda kuna nastaa ay keento in ay hadhow noqdaan kuwo firfircoon,taas oo hadhow u fududaysa inay si fudud u gutaan shaqadooda,
Khubaradan ayaa sheegay in saacaddaha badan ee ay shaqeeyaan shaqaaluhu ay keento in ay waayaan fursad ay ku nastaan naftana ku dejiyaan,taasina ay inta ugu badan keento inay hadhow madax xanuun iyo caajisnimo ka bixi waayaan,iyada oo laga yaabo inay isku dhacaan dhexdooda,sidoo kalena ay isku dhici karaan madaxdooda.
Khubaradan ayaa waraysi la yeeshay ilaa 40 qof oo khubaro ah,kuwaas oo da’doodu u dhaxayso 18 sanno ilaa 50 sanno,kuwaas oo kasoo kala shaqeeyey goobo kala duwan,waxaana dadka awooda saaray khubarada dhinaca Saykoolajiga ee khubarada Saynisyahanada ah la socday.
Khubaradan ayaa dad ay soo ururiyeen sidoo kalena kusameeyey tijaabo,taas oo ahayd inay qaybo kamid ah ka shaqaysiiyeen waqti dheer,halka ay qaybo kamid ahna u ogolaadeen inay seexdaan muddo saacad ah,taas oo soo saartay natiijo lama filaan ah .
Natiijadii soo baxday ayaa ahayd in kooxdii seexatay ay noqdeen kuwo si firfircoon u shaqeeyey markay soo noqdeen,halka kuwii kalena ay noqdeen kuwo caajis badan la kulmay ,ayna isku dhaceen shaqaalihii,iyaga oo cabasho ka muujiyey madax xanuun badan.
Khubaradan ayaa soo jeediyey in shaqaalaha la siiyo waqti yar oo ay seexdaan,taas oo ah hal saac,sidoo kalena waxay sheegeen in halkaas saac ee ay seexanayaan uu yahay mid yaraynaaya caajisnimada iyo xanuunada kala duwan ee shaqaalaha soo food saara.
 
 

Leave a Reply