Qaar Ka Mid Ah Sababaha Keena Inay Qofka Muruqyadu Xanuunaan

0
865

Muruqyo-xanuunku waa arrin caan ah oo wuxuuna ku dhacaa hal muruq iyo in ka badanba.
Muruqyo-xanuunku waxaa la socon kara mergiyo-xanuun, seedo-xanuun, Lafo-xanuun iyo xanuun ku dhaca soohyada isku haya murqaha iyo xubnaha la xiriiraba.
Muruqyo-xanuunku badanaa wuxuu la xiriiraa kacsanaanta qofka, welwelka, murqaha oo aad loo adeegsado ama jug ka soo gaartay jimicsi ama shaqo culus. xaaladahaasi xanuunku wuxuu ku dhacaaa murqaha kaliya ay culeeska la saaray ama dhaawaca soo gaaray wuxuuna bilawdaa isla markii dhibku dhaco ama jimicsigu ama hawshu dhamaato. taasi oo u sahalaysa qofka inuu ogaado waxa u keenaya murqo-xanuunka.
Muruqyo-xanuunka wuxuu kaloo calaamad u noqdaa dhibaatooyin kale oo saameeyaa jirka oo idil sida caabuqidda (infakshannada), tusaale ahaan ifilada/hargabka.
Wuxuu kaloo calaamad u noqon karaa cudurro asiiba murqaha iyo soohyada isku haya jirka oo dhan sida cudurka loo yaqaanno “Lupus” ee haweenka u badan.
Waxaa kaloo jira cudurro sidoodaba ku dhaca murqaha kaliya oo badanaa calaamado kale wadan.
Sababaha keena muruqyo-xanuunka
Waxyaabaha ugu caansan ee keena murqyo-xanuunka waxaa ka mid ah:
• Dhaawac ama jug soo gaaray murqaha sida murgacashada ama culeys xad-dhaaf ah oo la saaro.
• In adeegsiga murqaha laga badiyo ama si dhakhso ah loo isticmaalo taasoo muruqa u adkaysan karin.
• Kacsanaanta iyo welwelka qofka.
• Qaadashada daawooyinka qaar sida daawooyinka loo yaqaanno “ACE inhibitors” ee hoos loogu dhigo cadaadiska dhiigga, Daawooyinka “Statins” ee lagu yareeyo dufanka Kolistaroolka iyo daawada “Cocaine” ee lagu yareeyo xanuunnada, dadka qaarkoodne qabatimaan.
• Huridda iyo balbalidda wadajirka murqahaiyo oogada ee loo yaqaan “Dermatomyositis”
• Carqalad ku timaado macdanta jirka ku jirta sida soodyamka, bootaasyamka iyo kaalshiyamka.
• Cudurka “Fibromyalgia” oo kudhaca murqaha iyo soohyada dunta ah ee loo yaqaanno “Fibrous”.
• Infakshannada oo ay ka mid yihiin: ifilada, malaariyada, muruq-malaxawga, dabeysha iyo gooryaannada qaar.
• Cudurka “Lupus” ee dhaawaca murqaha iyo maqaarka.
• Cudurrada keena murqo-lafo xanuunka sida roomaatiisamka lafaha iyo murqaha “Polymyalgia rheumatica” iyo “Polymyositis”
• Cudurka sumoobidda murqaha ee “Rhabdomyolysis” (soohyada murqaha ayaa go’go’sun darteed).

Leave a Reply