INDHO XANUUNKA – Q3aad

0
607

Halkii aan ku joojinay qormadii hore waxay ahayd in qofku marka uu dhasho ee uu iftiinka aduunka usoo baxo waxa ugu horeeya ee laga ilaaliyaa ay tahay wixii nal xoog wayn ee si toos ah ugu wajahan indhihiisa isla markaana waxa aan fiicnayn isna sidoo kale in mugdi lagu hayo ilmaha. Qofku markuu dhasho oo aan cadceed loo saarin, taasi waxay keenaysaa in ilmuhu indho beelo oo uu goor dhaw kadiso ku noqdo araga iftiinku, markaas waxaa habbooni waa in la iskugu dhex wado oo sidii uu ilmuhu ku heli lahaa ilays ku habboon xaga araga indhaha loo helo.
Qormadan maanta waxaan kasii amba qaadaynaa sida waqtigan casriga ahi maanta saamanyta wayn ugu leeyahay aafaynta iyo xanuun ku keenida indhaha, waxaana aan tusaale kasoo qaadanaynaa sida ay maanta waxyeelo ugu keentay da,ayarta soo koraysa indhahooda xanuuno badan oo ka haleelay dhinacyo badan.
Nalka laydhka ee waqtigan aynu sida wayn uga faa’iidaysanaa waxa uu wataa waxyeeladiisa kale ee uu u leeyahay bulshada, hadii aan loo nidaamin sida ugu haboon ee qaabka isticmaal, ogow in wax kastoo dhaafa xadkiisu leeyahay dhibaatadiisa, aan sii dhex galee waxay tahay ujeedadu waa in isticmaalka laydhku ahaado mid waqti lagu bakhtiiyo waqtina lagu shido, waayo waxaa taasi ay xadidaad usamaynaysaa waqtiga seexashada ee qofka khaasatan dadka da,adoodu aadka u yartahay, marka la eego farqiga u dhexeeya labada waqti ee kala ah kan lasoo dhaafay iyo kan maanta aan ku jirno waxaad arkaysaa in wixii ka horeeyay qarnigan bilawga ah ee sagaalka sanno aan ka galay marka lagasoo bilaabo horaantii sagaashanaadkii ay muuqato in farqiga la dareemi karaa yahay caruurta oo aan hore useexanayn ilaa waqti danbe mooyee, taasina waxaa sababa badanaa isticmaalka daawasho ee video ga waxaanad aarkaysaa khattarta ay keeni karto taasi oo durba ka muuqata indhaha caruurta joogtaysay si xun udaawashada aaladan maanta inagaga badatay raadiyawga la dhagaysto.
Caruurta oo hurdadu ku yaraato isla markaana waqtiga ay idhahoodu nastaan sidaasi ku yaraato hadana si xad dhaafa u isticmaala daawashada video ga waxaa markaaba lasoo darsa diciif xaga araga ah iyo xasaasiyad iyo cuncun joogto ah oo ka haleela indhaha waxaanad maanta arkaysaa iyadoo muraayad dhakhtarku u qorayo ilmo yar oo aan wali gaadhin taban sano ama shan iyo toban sanno,kadib markii ay dhibaato xaga indhaha ahi lasoo darastay ee uu iskuulkii waxba ka arki waayay sabuurada, waxaana maanta taasi laga dareemi karaa badanaa iskuulada,iyadoo ay jirto dhacdo waaqaca taal oo baraarujin iyo ka gaashaamasho hor leh oo waajib ku ah cid walba loo baahan yahay,waxaana wax laga damqado ah in maanta caruuro badani durtaba waxba aanay kasoo dhigan iskuulada oo waalidka iyo macalimiintuba u haystaan inuu saaqid yahay ardaygu, balse arintu taas ay kamacno duwantahay.
Lasoco Qormada danbe….
Xigasho: Qormooyin uu qoray Sh.Jaabir
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Leave a Reply