China: 30 Malyuun Ayaa Godad Ku Nool

0
500

Waxa laga yaaba inaad mararka qaarkood maqasho dad ku nool godad oo iskaga guuray magaalada. Laakiin dalka China 30 malyuun oo qof ayaa ku nool godad iyagoo weliba raali ku ah oo ku qanacsan. Arintan ayay ku keliftay dabeecadda dhulka ay ku nool yihiin oo u badan dhul buuralay ah iyo gebiyo. Waxayna ka qoreen guryo qurux badan oo ay degan yihiin kuna nool yihiin.
Hogaga ayaa u kala duwan sida heerka dhaqaale ee dadka ku nool ukal duwan yahay. Dadka dhaqaalahoodu sareeyo waxay leeyihiin dhamaan tas-hiilaadka nolosha waxaana looga qoraa buuraha si qurux badan. Halka kuwa dadka saboolku ay degan yihiin aanay lahayn xataa laydh , Telefoon iwm.. Sidaasi ayay noloshu dunidu u kala duwan tahay meel kasta.
Hogaga ayay aad qaali u ah marka la kala iibsanayo waxaana qiimahoodu gaadha 46 kun doller, iyadoo qofka kiraystana halkii hog lagaga kireeyo bishii $ 30. Dadka dalxiisayaasha iyo dadka taariikhada qora ayaa halkaasi aad u booqda iyagoo doonaya inay wax ka ogaadaan nolosha godadka.
Ilaa wakhtigan lama hayo qoysk ama qof keliya oo ka tegay nolosha godadka oo ku noqday tan magaalooyinka, laakiin warbixinaha ayaa sheegaya inay kordhaan dadka godadka ku nooli. (Kyoum).
 

Leave a Reply