Cismaan Hindi Oo Mucaaridka Ku Tilmaamay Inay Cod Ku Raadinayaan Sheekooyin Raqiis ah

0
393

Hargeysa(Dawan):- Siyaasiga Cismaan Cabdilaahi Cigaal (Cismaan Hindi) oo ka mid ahaa  hoggaankii sare ee Xisbigii ka  baxay saaxadda Siyaasadda Somaliland ee UDUB,  imikana aan sadexda Xisbi midnaba ka tirsanayn ayaa ka hadlay sida uu u arko wararka  maalmihii u dambeeyay ka soo yeeshayay siyaasiyiinta Mucaaridka oo uu sheegay in ay tahay wax aan  la qaadan Karin Xukuumaddana lagu eedayn  Karin waraaq website qoray oo sida uu sheegay wixii la doonana la gelin karo wixii la doonana laga saari karo.
 
Waxaa kale oo uu  siyaasiyiinta mucaaridka kula taliyay in  aanay dadka u sheegin wax aanay xaqiiqadeeda hayn oo dalkana sharaftiisa dhaawici karta waxaanu sidaa ku sheegay mar uu shalay warbaahinta kula hadlayay Hargeysa.
“Horta saddexda xisbi ee KULMIYE,WADDANI iyo UCID midnaba kuma jiro  kamana mid ihi laakiin taasi nagama horjoogsanayso in aanu ka hadalno arrimaha siyaasiga ah sababtoo ah wey na saamaynayaan oo Somaliland oo dhan ayay saamaynayaan markaa sidaas ayaan uga hadlayaa anigoo aan saddexda xisbi midnaba ka tirsanayn in wixii jira aan ka hadlana waa waajib,”ayuu hadalkiisa ku bilaabay waxaanu intaa raaciyay. “Maalmahan waxaa laga hadlayay waraaaq uu qoray wabsayt caalamka oo waxna la gelin karo waxna laga saari karo run iyo been-ba.  taasoo sheegaysay in Xukuumadda Somaliland ay Soomaaliya la gashay heshiis federaal oo qarsoodi ah. Hadaba  siyaasiyiinta mucaaridka ah ee arrintaa ku cel-celiyay waxaan leeyahay waxaad ka hadlaysaan waa dambi qaran oo weyn oo saamayn ku yeelan kara qaranimada Somaliland.
Waxa wanaagsan in ninka siyaasiga ahi uu ka hadlo wax xaqiiq ah oo uu caddaynteeda hayo laakiin wabsayt ayaa qoraal la geliyay dadka in aad ugu warantaan waa laga fiican yahay.  niman waawayn oo siyaasiyiin ah oo dalka xuquuq ku leh ayaad tihiin laakiin wax aan  xaqiiqdooda la hayn dadka ha ugu waramina waxaanan leeyahay  haddii aad idinku caddayn dhab ah  haysaan soo  bandhiga oo ummaddu ha idinla aragto haddii kale xilku walaalayaal waa meerto tanina tii lagu helayay maaha ee meel kale uga wareega hana ku dawakhina waxaan jirin sheeg sheegiisa.”ayuu yidhi Cismaan Hindi.
By:Faysal Xiis Weerar(Afgaab)
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply