Taariikhda Lacagta Iyo Khatarta Ka Dhalan karta Haddii Uu Maamulkeedu Ka Baxo Gacanta Dawladaha. Qaybta 3aad

0
448

Lacagtu waa  walax  leh qiimo  heshiis lagu wada yahay oo cid waliba ku qanacsantahay, samays ahaana waxay  ka kooban tahay  waraaqo noodhadh  ah iyo  qadaadiic (Coinns) ah oo  laga sameeyey   bir, naxaas, dahab,  ama noocyo  kale oo macdan ah, waxaana loo isticmaalaa in wax lagu kala iibsado. Sidaa darteed lacagtu waa shay  ahmiyad weyn u leh nolosha iyo dhaqaalaha Aadamaha oo dhan.
Sidoo kalena lacagtu waa shayga   keliya ee mideeya  ujeedooyinka dhaqaale ee kala gedisan oo dhan . sababtoo ah dakhli kasta iyo wax soo saar kastaba waxaa lagu qiimeeyaa lacag, sidoo kalena adeeg kasta iyo shaqo kasta oo cidi qabanayso  waxaa lagu saleeyaa oo khidmadooda  lagu qiimeeyaa xaddi lacag ah. Sidaas aawadeedna arimahaas iyo kuwo  kale faro badan ayaa lacagta waxay ka  dhigeen shay  qiimo leh , oo  lagama maarmaan u ah  Aadamaha iyo  noloshiisa  aduunyada.
Xeeldheerayaasha  gorfeeya arimaha lacagta iyo Taariikhyahanaduna waxay  isku waafaqeen in Taariikh ahaan lacagtu tahay mid aad u   fac weyn oo uu   isticmaalkeedu  dunida ka jirey muddo aad u fog, isla mar ahaantaana ay soo martay marxalado faro badan  iyo habab kala duwan oo loo isticmaali jirey, kuwaasoo  ay mid kastaba lacagtu lahayd qaab gooniya oo loo isticmaalo iyo qiime gaar ah oo ay heshiis ku ahaayeen dadkii  xiligaas joogey, qiimahaas oo   ahaa mid cad oo la isla wada garanayey.
Ka hor intii aanay lacagtu soo bixina  bulshooyinka caalamku waxay wax  ku kala iibsan jireen badeecado ay  qiimahooda isla ogolaadeen oo ay ku bedelan jireen waxyaabaha kale ee ay kolba u baahan yihiin.Tusaale ahaan qabiilooyinkii hore ee reer  Africa  waxaa lacag u ahaan jirtey oo ay wax ku bedel jireen  lo’da , Latin Ameerika qabiilooyinkii  deganaana  waxay isticmali jireen oo ay wax ku bedel jireen geedka Qumbaha. Wayaabihii kale ee xiliyadaas  wax kala bedelashada lagu salayn jireyna waxaa  u badnaa Xoolaha iyo Haragahooda iyo Biraha qaaliga ee macdanta ah oo markii danbe qadaadiicda laga sameeyay, Faashashka, Mindiyaha, Dheryaha dhoobada ah, Dadkii  adoonta ahaa ee la haysan jirey,  Caleenta geedka Tubaakada iwm.
Habka noocan ah ee wax lagu kala iibsan jireyna waxaa la odhan jirey oo ay Taariikhyahanadu u yaqaanaan nidaamkii Barter-ka  (Badeecad badeecad  lagu bedesho). Nidaamka Barter  wuxuu ahaa mid iska xadidan oo ku xidhan sida uu kolba qofkii badeecad haysta ee doonaya in mid kale  loogu bedelaa uu u helo qof kale oo haysta badeecada uu u baahan yahay, isla markaana u  baahan badeecada uu qofkaasi haysto, kaasoo marka uu helo ay badeecadaha isweydaarsan jireen. Tusaale ahaan waxay ahayd  qofka haduudh iibinaya ee caleenta shaaha u baahani inuu helo qof haya caleentii shaaha haysta oo isaguna hadhuudh u baahan, manay jirin inta badan qiimeyaal heshiis lagu yahay oo ay lahaayeen badeecadaha la isweydaarsanayaa, balse arintu waxa ay ku xidhnayd sida ay kolba labada qof ee wax kala iibsanayaa ugu heshiiyaan qiimeyaasha badeecadahooda.
Numismatics oo ah aqoonyahan daraasado faro badan ku sameeyey lacagta iyo  Taariikhdeedu waxa uu   ku sheegay  buugiisa la yidhaahdo  Politics Book  in ( 350 B.C) in  faylasuufkii Giriiga ahaa ee la odhan jirey “Aristotle”  uu ahaa qofkii ugu horeeyey ee  ka fakaray lacagta samaynteeda, isla markaana uu ahaa  qofkii curiyey ee isagu ka fekeray  labada qiime ee ku kala sabsan lacagtu shayga ay ka samaysantahay qiimihiisa iyo qiimaha ay marka dambe yeelanaysaa waxa uu noqonayo. Hase ahaatee waxa aragtida   Numismatics ee saabsan in uu  Aristotle ahaa qofkii ugu horeeyey lacagta hindisay waxaa ka soo horjeestay oo weliba dhaliilay  David Kinley, oo isaguna ah khabiir kale oo falanqeeya arimaha lacagta.
Waxa kale oo iyana jira  dad badan oo  rumaysan yihiin in lacagtu ka dhalatay dhibaatadii Aadamaha ka haysatay nidaamkii Barter-ka ee ku saabsanaa kala bedelashada badeecadaha, taasi oo   sababtay in la curiyo shay ama walax  dadka u dhex ah oo ay cid waliba ku qanacsantahay qiimaheeda iyo isticmaalkeeda, walaxdaas oo isla markaana ah walax fudud oo uu qof waliba si sahlan u qaadan karo, una kaydsan karo.
Balse buugga la yidhaahdo  Debt:The Fisrt 5000 Year   ee uu qoray ninka lagu magacaabo David Graeber oo  ah khabiir aqoon sare u leh  cilmiga barashada dadka iyo dhaqamadooda (Anthropology) ayaa waxa uu diiday fikiradda ah in lacagtu ay ka curatay habkii Barterka, isla markaana waxa uu buugaasi  sheegay in aan fikradaas loo hayn wax cadayn ah oo  taageeraysa, sidaas aawadeedna aanay ahayn fikrad ku dhisan aragti sax ah oo la qaadan karo.
Fikradaha kale ee ay qabaan dadka aqoonta u leh Taariikhda lacaguhu waxaa ka mid ah in  faraaciyiintii hore ee reer  Masar  mudo aad u fog lacag ahaan u isticmaali jireen walxo ka samaysan biraha qaaliga ah ee ay adagtahay in si dhib yar loo helo, ama ay cid waliba si fudud  u samaysan karto, iyaga oo birahaasna qiimahoodu inta uu yahay samaystay   cabir la isla yaqaaney oo lagu qiyaasi jirey.
 
Sidaa aawadeed wax kasta iyo shay kasta oo dadku lacag ahaan u isticmaalayaa hadii aanay ahayn mid leh qiime mucayin ah oo dadka isticmaalayaa isku raacsan yahay, ma noqon karayo mid lacagnimadiisa iyo isticmaalkiisuba sharci yihiin.
Sidoo kale lacag  kasta iyo walax kasta oo ay   samaysato cid gaar  ah oo bulshada ka mid ahi ma noqonayso lacag sharci ah oo dadku wada ogol yahay lacagnimadeeda iyo qiimaheeda, balse waxa ay noqonaysaa lacag faalso ah oo aanu jirin wax qiimo ah oo ay leedahay.
 La Soco Khamiista………………………………
 

Leave a Reply