Haweeney loo Diiday inay Xil ka Qabato Maxkamad

0
503

Baarlamaanka dalka Afghanistan ayaa diiday isku deygii ugu horeeyay ee lagu doonaayay in qof dumar ah loo magacaabo xeer-ilaaliyaha maxkamadda ugu sareysa ee dalka.
Madaxweyne Ashraf Ghani ayaa u magacaabay Anisa Rasouli booskan oo ay ka mid noqoto sagaalka xubin ee maxkamadda, laakiin xildhibaano yar ayaa u codeeyay.
Madaxweynaha ayaa isku deyaayay inuu dumar badan u magacaabo xilalka sarsare ee dowladda.
Laakiin meelaha ay Taliban ka taliso, dumarka looma ogola inay guryaha ka baxaan, laakiin kala bar xubnaha baarlamaanka ayaa dumarka loo qoodeeyay, lab aka mid ah gudoomiyayaasha goboladaha waa haween.

Leave a Reply