Wikileaks Waxay Fashiliyeen Garaadka Siyaasiyiinta Kursi Doonka ah Ee Somaliland

0
332

Soo ifbaxa qoraalka Wikileaks wuxuu inna tusay heerka iyo garaadka ay taagan yihiin siyaasiyiinteennu, waxay inna tustay miisaanka ay leeyihiin kuwa kursiga doonaya ee uu ugu horreeyo Guddoomiye Cirro oo aan u haysanay Diplomaasi siyaasi ah.
 
Waraaqdani waxay inna tustay sida aynu uga arradanahay Chanels-ka Diplomaasiyadda, sababtoo ah waxaynu ku guul daraysanay inaynu shacabkeena ka qanciyo xogta iyo muhiimadda waraaqaha noocan oo kale ah.
Waraaqda waxaa cinwaan looga dhigay  “Macluumaad” taas macneheedu waa warsiin oo keliya, waxay la mid tahay wararka lagu qoro warbaahinta oo kale, haddii ay tahay sir ama macluumaad la hubiyey oo lagu tallo qaadan karo waxaa la siiyaa darajooyin kale sida “Caddayn” “Sir culus” iwm.
 
Macluumaadka waraaqdan ku qorani, waxay ka hadlayaan aasaaska dastuurka cusub ee dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, waxayna ka hadlaysaa aasaaska golaha baarlamaanka oo la leeyahay waxaa ku heshiiyey dawladda Somalia, Puntland iyo Somaliland iyo weliba Kooxaha kale ee siyaasadda Soomaaliya ku lug leh, waxayna dhinacyadaasi ku heshiiyeen in la aasaaso gole Baarlamaan oo ka kooban laba aqal.
 
Nuxurka waraaqdu waa intaas, haddaba ka soo qaad waraaqdaas oo runa, laakiin waxaad isweydiisaan innagu ma waxaynu u talinaa Sucuudiga? Waayo safaaradda Sucuudiga ayaa war ka dirtay saafaradeeda Soomaaliya qaabilsan ee ku taalla Djibouti, waxayna u direen Wasaaraddooda Arrimaha Dibedda.
Warka ay safaaraddu dirayso waa laba weji, wejiga koowaad oo ah, waxay waafajiyaan danohooda siyaasiga ah iyo waxa ay Soomaaliya la jecel yihiin, haddii Sucuudigu sidan Jecel yahay dee maaha inaynu isu cadhoono ee waa inaynu Sucuudiga u cadhoono.
 
Qodobka labaad Sucuudigu wuxuu warka ka qaataa Xamar oo ah dawladda la aqoonsan yahay, Xamarna waxaynu ognahay inay habeen iyo maalin la soo taagan yihiin “Somaliland annagaa maamulna” inay la soo taagan yihiin “Baarlamaanka Somalia dad reer Somaliland ah ayaa ku jira” inay xattaa wadahadaladii u burbureen shakhsiyaad u dhashay Somaliland oo ay shaqaalaysteen oo ay doonayeen inay inna soo horfadhiisiyaan, markaa adigu ma waxaad ka filaysaa in Soomaaliya ay tidhaahdo Somaliland kama mid aha dawladda Federaalka ah? Ma waxaad filaysaa warka Xamar laga dirayo ee Sucuudiga loo dirayo in lagu odhanayo Somaliland kuma jirto Baarlamaanka Federaalka?
 
waraaqdan Wikileaks waxay daaha ka fayday inaan Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cirro aanu ahayn Diplomaasi hase ahaatee uu ku fashilmay inuu kala qeexo arrimaha dawladda lagu eedayn karo iyo kuwa kale.
 
Mudane Cirro wuu ogsoon yahay haddii Diplomaasi yahay waraaq safaaradi u dirtay Wasaaradeeda oo weliba sidata Titleka “Macluumaad” inaanay ahayn wax sugan oo dawladi ay ku go’aan qaadan karto, laakiin ay tahay warar la ururiyey oo loogu tallo galay in dalku la socdo xaaladda ka dhacaysa dalkaas.
 
Sidoo kale waxay ahayd in dawladeenu inay  qeexdo   aqoon darrada haysata siyaasiyiinta mucaaridka waxay Iyana u dhaqaaqeen is cambaarayn, taasina waxay inna tusaysaa in garaadka mucaaradka fashilan yahay.
By: Maxamed Daahir Geel-jire
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply