Siciid Qulumbe Oo Galay Fadeexad Uu Ingiriiska Kaga Mutaysan Karo In La Xidho

0
380

Saxaafada qaarkeed ayaa beryahan dambe qoreysay warar dhiilo leh  oo ka soo yeedhaya kooxda sharci darrada ah ee  la baxday  madasha wadatashiga  iyo xisbiga Wadani oo uu weheliyo UCID  oo ay u adeegsanayaan warbaahinta u raxlaynaysa   Waddani.
Mid ka mid ah wararkaasi  xajiinta leh ayaa ahaa eedo  laga weriyay Siciid Qulumbe oo uu sheegay inuu u gudbiyay Daakhiliga Ingiriiska.
Siciid Qulume oo ka tirsan kooxda siyaasadda ku fashilantay ee madasha ayaa London  waxa uu  afkiisa ka sheegay in ay gudbiyeen wasaaradda daakhiliga Ingiriiska  sidii  dacwad maxkamadeed loola tiigsan lahaa  xubno  dawladda Somaliland ah oo ay ku sumcad xumaynayaan sidii oo uu yahay daakhiliga Ingiriisku   maxkamad sharci ah oo kale.
 
 
Mr Qulumbe dadka uu bartilmaameedsadey ayaa sida ku cad qoraalkiisa  ah guddoomiyaha guurtida  Saleebaan Maxamuud Aadan, Wasiirka madaxtooyada  Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirka duulista  Maxamuud Xaashi Cabdi,  waliilka dhawaan loo magacaabey  UAE, Baashe Cawil, iyo marwada koowaad Aamina Maxamed Jirde.
Waxa la yaab leh in ay dhammaan isku wada beel yihiin xubnaha uu bartilmaameedsadey  halka marwada koowaad ka tahay  xaaska  Madaxweynaha.
Mr. Qulumbe oo u heelan inuu taageero hoggaamiyaha ay isku beesha yihiin ee xisbiga Waddani ayaa sameeyay beentii qarniga. Waxa uu ninkaasi ku sawirmay oo uu kasbaday fadeexad aad u fool xun oo uu ku geli karo jeel.
.Warbaahinta ayaa qaadatey nuqulada ninkani oo ku baahisay  website-yadda Soomaalida  iyo wargeysyada iyaga oo adeegsanaya dhawr  sawir  oo muujinaya rag iyo dumar caddaan ah. Sawiradaasi oo loogu tallo galay in loo qaato run ayaa ah saraakiil ka tirsan xafiisyada wasaaarada daakhiliga oo u ballan qaadey   Mr. Qulumbe  iskaashi.
Sida ku cad warbixinta ninkaas  waxa uu adeegsadey sawirro rag ay ka wada tirsan yihiin xafiiska London ee  SORAG oo uu ka mid yahay  Gordon Bentley.
Raggaasi midna kama shaqeeyo weligiina kama shaqeyn  wasaarada daakhiliga. Xitaa goobta ka muuqata sawirka ma aha xaruntii daakhiliga.
Ninkan  ayaa adeegsadey warbaahin bilaa sumcad ah  oo halkii ay wax ka xaqiijin lahayd marka hore doorbideysa in ay wax iska qorto ama baahiso.
Hana Barkhad
hana.barkhad@gmail.com

Leave a Reply