Inkasta oo Ecuador aanay soo saarin Daroogada, haddana boqolkiiba 70% kookeynta adduunka ayaa hadda soo mara dekedaheeda, sida uu yidho madaxweynaha Ecuador Daniel Noboa.
Xubno loo yaqaano Boqorrada Laatiinka iyo koox dambiilayaal ah ayaa maamula daroogada ka timaada Ecuador. Waxay la shaqeeyaan koox maafiyo ah oo reer Albania ah, oo ka mid ah shabakadaha ka ganacsada daroogada ee Yurub.
Maafiyada Albania ayaa sanadihii u dambeeyay ku balaadhisay joogitaankeeda dalka Ecuador, iyada oo maamusha waddooyinka muhiimka ah ee Maandooriyaha, waxayna gacanta ku hayaan inta badan maandooriyaha Cocaine-ka ee ka imaanaya Koonfurta Ameerika kuna socda Yurub.
Maandooriyaha ma soo saarto Ecuador, laakiin waxa uu si qarsoodi ah uu uga soo galaa dalalka deriska la ah ee Colombia iyo Peru – labada waddan ee ugu badan ee soo saara kookeynta.
Booliska ayaa sheegay in sanadkii hore ay gacanta ku dhigeen tiro badan oo daroogo ah oo sharci daro ah,taas oo u badan daroogada Cocaine-ka, tani waxay muujineysaa in dhoofinta guud ay sare u kacday.
Dhoofinteeda iyo soo gelinteedu waxa la socda dil: Bishii Janaayo e sanadkan 2025 waxaa dhacay 781 dil, taas oo ka dhigaysa bishii ugu dhimashada badneyd sannadihii u dambeeyay. Dadka dhintay qaar badan oo iyaga ka mid ah waxay xidhiidh la lahaayeen ka ganacsiga daroogada sharci darrada ah.
Waxaan la hadalnay dadka silsiladda tahriibinta ku jira si aan u fahanno sababta ay dhibaatadani uga sii darayso – iyo sida korodhka isticmaalka kookeynta Yurub uu u sii hurinayo.
César, oo 36 jir ah, ayaa ka hadlay sida uu kor ugu kacayo waxa uu bilaabay inuu la shaqeeyo kuwa Daroogada isaga oo 14 sano jir ah, Cesar waxa uu ku tilmaamay fursadaha shaqo ee liita ee la galo marka wax kale la waayo.
“Maafiyada Albaniyaanka oo adduun la yimi waxay u baahdeen cid xalisa sidii daroogadu uga dhoofi lahayd Dekedaha,” ayuu yidhi. “Aniguna Waxaan garanayey ilaalada dekedda, darawallada gaadiidka, kormeerayaasha kamaradaha CCTV.”
Waa la laaluushaa si ay uga caawiyaan in daroogooyinka laga soo geliyo dekedaha Ecuador oo indhaha ayey ka qarsadaan – iyada oo kamaradaha la maaraynayo.
Ka dib markii ay Daroogadu timaado Ecuador waxa lagu kaydiyaa bakhaarro ka dibna shaqaalaha maafiyada Albania ayaa shixnadaha si qarsoodi ah ugu raraya Maraakiibta u socota dekedaha Yurub.
Kooxaha burcadda ah ayaa isticmaala saddex hab oo waaweyn oo ay koontainka ugu soo geliyaan shixnadaha, kuwaas oo kala ah in ay daroogada ku soo dhex qariyaan shixnadda ka hor inta aanay soo gaadhin dekedda, Sida Sonkor oo kale, in ay markabka ku dhex qariyaan inta aanu dekedda ka dhoofin, iyo in ay daroogada ku dhex qariyaan Kontaynaro kala duduwan.
Mararka qaarkood César waxa uu hal shaqo ku sameeyay ilaa $3,000 (£2,235), laakiin lacagta oo kaliya ma aha: “Haddii aadan qaban shaqadaa Albaniyanku ku waxay ku sheegayaan in ay ku dili doonaan.”
César waxa uu sheegay in uu ka qoomameynayo doorkii uu ku lahaa ka ganacsiga maandooriyaha, gaar ahaan waxa uu ugu yeedhay ” dhibbanayaasha aan waxba la socon”.
Laakiin waxa uu aaminsan yahay in khaladku uu ka yimid dalalka isticmaala. “Haddii isticmaalku sii kordho, sidoo kale ganacsigu wuu sii kordhayaa. Waxay noqon doontaa mid aan la joojin karin,” ayuu yidhi, isaga oo raaciyay: “Haddii ay halka la geynayo ay kula dagaallamaan, halkana way ka dhammaan doontaa.”
Shaqaalaha Gaangiska oo keliya ma aha kuwa ku dhimanaya, laakiin dad aan waxba la socon ayaa la dhex mariyaa oo ku dhintay. Juan, (ma aha magaciisa dhabta ah), waa darawal baabuur. Maalin maalmaha ka mid ah waxa uu soo qaaday Shixnad KaluunTuunna ah si uu u geeyo Dekedda. Laakiin wax kale ayaa ku dhex jiray. Laba bilood ka dib waxaan maqlay in Haamo Daroogo ka buuxdo lagu qabtay Amsterdam waxa uu dib u xusuustay wixii ay sideen.
Qaar ka mid ah darawallada ayaa iyaga oo aan is ogayn u rara daroogada; qaar kalena waa lagu khasbaa – hadday diidaan waa la dilayaa.
“Dhoofinta muuska ee Ecuador waa boqolkiiba 66% boqolkiiba, 29.81% waxay u dhoofaan Midowga Yurub, waana halka maandooriyaha uu ka sii kordhayo,” ayuu yidhi wakiilka warshadaha muuska José Antonio Hidalgo.
Qaar ka mid ah burcadda ayaa xitaa sameystay shirkado soo dejisa ama dhoofiya khudaar been abuur ah oo Yurub iyo Ecuador isaga goosha kuwaas oo horudhac u ah dhaqdhaqaaqyada sharci darrada ah. “Mukhalasiintan Yurubiyaanka ah waxay isu ekaysiiyaan sidii ganacsato,” ayuu yidhi “José” (ma aha magaciisa dhabta ah).
Maxay dhoofintu kor ugu kacaysaa
Dekadaha Ecuador, booliska iyo ciidamada qalabka sida ayaa isku dayaya inay xakameeyaan xaaladda.
Doonyaha ayaa gaaf wareegaya biyaha, booliiskuna waxay baadhayaan sanduuqyada muuska ee lebenka kookeynta ah – xitaa kuwa quusayaasha bilaysku waxay raadiyaan daroogo ku qarsoon maraakiibta.
Qof kastaa aad buu u hubaysan yahay, xitaa kuwa si fudud u ilaalinaya sanaadiiqda muuska ka hor inta aan lagu shubin weelasha maraakiibta. Tani waa sababta oo ah haddii daroogo la helo inta lagu guda jiro baadhitaanka, waxaa suurtogal ah in shaqaalaha dekedda musuqmaasuqa ku lug yeesho, waxayna dhalin kartaa dhacdo rabshado ah.
Iyada oo ay jiraan dadaalladaas, booliiska ayaa sheegay in xadiga cocaine-ka ee lagu guuleystay laga soo dhoofiyay Ecuador ay gaadhay heerkii ugu sarreeyay. Baahida sii kordheysa iyo arrimo dhaqaale ayaa lagu eedeeyaa.
Fariin ku socota Yurub
Kooxaha shisheeye waxay ka qayb qaadashada rabshadaha sii kordhaya. Waxa la leeyahay
ganacsiga waxa sii hurinaya macaamiisha, gaar ahaan Yurub, Maraykanka iyo Australia, iyo kuwa la dagaalamaya iyo kuwa keenaya oo mararka qaar heshiiya.
Xogta Qaramada Midoobay ayaa muujineysa in isticmaalka kookeynta caalamiga ah uu gaadhay heerarkii ugu badnaa. Sahan ay samaysay ayaa sheegaya in UK ay leedahay heerka labaad ee ugu sarreeya ee isticmaalka kookeynta.
Hay’adda dambiyada qaranka ee UK (NCA) ayaa ku qiyaastay in UK ay isticmaasho ilaa 117 tan oo kookayn ah sanadkiiba ayna leedahay suuqa ugu wayn Yurub.
Caddaynta ayaa soo jeedinaysa in isticmaalka UK uu kor u kacayo.
Falanqaynta Xafiiska Arrimaha Gudaha ee UK ee biyaha wasakhda ah ayaa soo jeedinaysa in isticmaalka kookeynta uu kordhay 7% laga bilaabo 2023 ilaa 2024. Hawlgallada NCA waxay qabteen ilaa 232 tan oo kookayn ah 2024, marka la barbar dhigo 194 tan 2023.