Madaxweyne Putin oo tanaasul sameeyay kaddib hanjabaadii Trump

0
155

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa soo jeediyay wadahadal dhexmara dalkiisa iyo Ukraine, markii ugu horreysay tan iyo markii uu dagaalka billowday. Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskiy ayaa isna dhankiisa ku adkaysanaya in Ukraine ay diyaar u tahay wadahadal kasta oo lagu joojinayo weerarada lagu hayo dadka rayidka ah.

Labada hoggaamiye ayaa wajahaya cadaadis uga imanaya Maraykanka oo ku hanjabay inuu joojin doono dadaalkiisa nabadeed haddii aan horumar la sameyn.

Ruushka iyo Ukraine ayaa sheegay inay diyaar u yihiin xabbad joojin dheeraad ah ka dib xabbad-joojin 30 saacadood ah oo loo sameeyay ciidda Masiixiyiinta ee Easter-ka taas oo ay ku dhawaaqday Moscow dhawaan. Dhinac walba wuxuu dhinaca kale ku eedeeyay inuu jabiyay heshiiska.

Ukraine waxay ka qayb qaadan doontaa wadahadalada Maraykanka iyo wadamada Yurub ee London, ayuu yidhi Zelenskiy. Wadahadalladan ayaa daba socda kulan ka dhacay magaalada Paris todobaadkii hore oo Maraykanka iyo wadamada Yurub ay kaga wada hadleen sidii loo soo afjari lahaa dagaalka mudada saddexda sano ka badan socda.

Putin oo la hadlayay Telefishinka Qaranka Ruushka, ayaa sheegay in dagaalku uu dib u bilowday ka dib markii uu hakad ku yimid saacdo xabad-joojin ah kadib, wuxuuna sheegay in Moscow ay u furan tahay qorshe kasta oo nabadeed, ayna filayaan in Kyiv-na ay diyaar u noqoto arrintaas.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa horaantii todobaadkan sheegay in uu ku rajo weyn yahay in Ruushka iyo Ukraine ay heshiis gaadhaan todobaadkan, ka dib markii uu ku hanjabayย “in uu ka gudbi doono” wada xaajood nabadeed haddii aan horumar la samayn.

Qaar ka mid ah dhaleeceeyayaasha ayaa ugu yeedhay Putin xabbad joojintii Easter-ka ee 30-saacadood ahayd suuqgeyn ay samaysay Moscow. Wasiirka arrimaha dibadda ee Faransiiska, Jean-Noรซl Barrot, ayaa sheegay in loo dejiyay si looga hortago in Donald Trump uu dulqaadku ka dhammaado oo uu xanaaqo.