12 qof ayaa lagu dilay goob uu ka dhacayey dagaal digaag- Ecuador

0
400

Booliska dalka Ecuador ayaa sheegay in ay xidheen afar qof oo lala xidhiidhinayo in ay ku lug lahaayeen weerar ay kooxo hubeysan ku qaadeen goob lagu daawanayey dagaalka digaagga oo ay ku dhinteen 12 qof.

Eedaysanayaasha la qabtay ayaa lagu qabtay hub iyo labiska ciidamada booliiska ka dib markii ay boolisku hawlgal ka fuliyeen waqooyiga-galbeed ee gobolka Manabí todobaadkan, maalin kadib markii weerarku oo ka dhacay bulshada miyiga ah ee La Valencia.

Muuqaalo laga soo duubay weerarka oo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay rag hubeysan oo gudaha u galaya goobtii ciyaarta digaagu ka dhacaysay kadibna rasaas ku furaya dadkii daawanayay oo argagaxsan oo kala yaacaya.

Warar lagu baahiyay warbaahinta gudaha ayaa sheegaya in kooxda weerarka soo qaaday oo watay qalab militari oo been abuur ah ay ahaayeen xubno ka tirsan koox dambiilayaal ah oo ay iska soo horjeedaan deegaanka dagaalku ka dhacay.

Maamulka gobolka ayaa bilaabay baadhitaan dambiyeed. Ilaa 20-koox oo dambiilayaal ah ayaa la rumeysan yahay in ay ka howlgalaan dalka Latin America, kuwaas oo u tartamaya gacan ku haynta waddooyinka waaweyn ee daroogada.

Dalka Ecuador waxaa caanka ah dagaalka Digaaga waxaa daawada dadweyne badan waxa lagu kala helaa lacag oo waa lagu khamaaraa.