Lacagtu waa walax leh qiimo heshiis lagu wada yahay oo cid waliba ku qanacsantahay, samays ahaana waxay ka kooban tahay waraaqo noodhadh ah iyo qadaadiic (Coinns) ah oo laga sameeyey bir, naxaas, dahab, ama noocyo kale oo macdan ah, waxaana loo isticmaalaa in wax lagu kala iibsado. Sidaa darteed lacagtu waa shay ahmiyad weyn u leh nolosha iyo dhaqaalaha Aadamaha oo dhan.
Sidoo kalena lacagtu waa shayga keliya ee mideeya ujeedooyinka dhaqaale ee kala gedisan oo dhan . sababtoo ah dakhli kasta iyo wax soo saar kastaba waxaa lagu qiimeeyaa lacag, sidoo kalena adeeg kasta iyo shaqo kasta oo cidi qabanayso waxaa lagu saleeyaa oo khidmadooda lagu qiimeeyaa xaddi lacag ah. Sidaas aawadeedna arimahaas iyo kuwo kale faro badan ayaa lacagta waxay ka dhigeen shay qiimo leh , oo lagama maarmaan u ah Aadamaha iyo noloshiisa aduunyada.
Xeeldheerayaasha gorfeeya arimaha lacagta iyo Taariikhyahanaduna waxay isku waafaqeen in Taariikh ahaan lacagtu tahay mid aad u fac weyn oo uu isticmaalkeedu dunida ka jirey muddo aad u fog, isla mar ahaantaana ay soo martay marxalado faro badan iyo habab kala duwan oo loo isticmaali jirey, kuwaasoo ay mid kastaba lacagtu lahayd qaab gooniya oo loo isticmaalo iyo qiime gaar ah oo ay heshiis ku ahaayeen dadkii xiligaas joogey, qiimahaas oo ahaa mid cad oo la isla wada garanayey.
Ka hor intii aanay lacagtu soo bixina bulshooyinka caalamku waxay wax ku kala iibsan jireen badeecado ay qiimahooda isla ogolaadeen oo ay ku bedelan jireen waxyaabaha kale ee ay kolba u baahan yihiin.Tusaale ahaan qabiilooyinkii hore ee reer Africa waxaa lacag u ahaan jirtey oo ay wax ku bedel jireen lo’da , Latin Ameerika qabiilooyinkii deganaana waxay isticmali jireen oo ay wax ku bedel jireen geedka Qumbaha. Wayaabihii kale ee xiliyadaas wax kala bedelashada lagu salayn jireyna waxaa u badnaa Xoolaha iyo Haragahooda iyo Biraha qaaliga ee macdanta ah oo markii danbe qadaadiicda laga sameeyay, Faashashka, Mindiyaha, Dheryaha dhoobada ah, Dadkii adoonta ahaa ee la haysan jirey, Caleenta geedka Tubaakada iwm.
Habka noocan ah ee wax lagu kala iibsan jireyna waxaa la odhan jirey oo ay Taariikhyahanadu u yaqaanaan nidaamkii Barter-ka (Badeecad badeecad lagu bedesho). Nidaamka Barter wuxuu ahaa mid iska xadidan oo ku xidhan sida uu kolba qofkii badeecad haysta ee doonaya in mid kale loogu bedelaa uu u helo qof kale oo haysta badeecada uu u baahan yahay, isla markaana u baahan badeecada uu qofkaasi haysto, kaasoo marka uu helo ay badeecadaha isweydaarsan jireen. Tusaale ahaan waxay ahayd qofka haduudh iibinaya ee caleenta shaaha u baahani inuu helo qof haya caleentii shaaha haysta oo isaguna hadhuudh u baahan, manay jirin inta badan qiimeyaal heshiis lagu yahay oo ay lahaayeen badeecadaha la isweydaarsanayaa, balse arintu waxa ay ku xidhnayd sida ay kolba labada qof ee wax kala iibsanayaa ugu heshiiyaan qiimeyaasha badeecadahooda.
Numismatics oo ah aqoonyahan daraasado faro badan ku sameeyey lacagta iyo Taariikhdeedu waxa uu ku sheegay buugiisa la yidhaahdo Politics Book in ( 350 B.C) in faylasuufkii Giriiga ahaa ee la odhan jirey “Aristotle” uu ahaa qofkii ugu horeeyey ee ka fakaray lacagta samaynteeda, isla markaana uu ahaa qofkii curiyey ee isagu ka fekeray labada qiime ee ku kala sabsan lacagtu shayga ay ka samaysantahay qiimihiisa iyo qiimaha ay marka dambe yeelanaysaa waxa uu noqonayo. Hase ahaatee waxa aragtida Numismatics ee saabsan in uu Aristotle ahaa qofkii ugu horeeyey lacagta hindisay waxaa ka soo horjeestay oo weliba dhaliilay David Kinley, oo isaguna ah khabiir kale oo falanqeeya arimaha lacagta.
Waxa kale oo iyana jira dad badan oo rumaysan yihiin in lacagtu ka dhalatay dhibaatadii Aadamaha ka haysatay nidaamkii Barter-ka ee ku saabsanaa kala bedelashada badeecadaha, taasi oo sababtay in la curiyo shay ama walax dadka u dhex ah oo ay cid waliba ku qanacsantahay qiimaheeda iyo isticmaalkeeda, walaxdaas oo isla markaana ah walax fudud oo uu qof waliba si sahlan u qaadan karo, una kaydsan karo.
Balse buugga la yidhaahdo Debt:The Fisrt 5000 Year ee uu qoray ninka lagu magacaabo David Graeber oo ah khabiir aqoon sare u leh cilmiga barashada dadka iyo dhaqamadooda (Anthropology) ayaa waxa uu diiday fikiradda ah in lacagtu ay ka curatay habkii Barterka, isla markaana waxa uu buugaasi sheegay in aan fikradaas loo hayn wax cadayn ah oo taageeraysa, sidaas aawadeedna aanay ahayn fikrad ku dhisan aragti sax ah oo la qaadan karo.
Fikradaha kale ee ay qabaan dadka aqoonta u leh Taariikhda lacaguhu waxaa ka mid ah in faraaciyiintii hore ee reer Masar mudo aad u fog lacag ahaan u isticmaali jireen walxo ka samaysan biraha qaaliga ah ee ay adagtahay in si dhib yar loo helo, ama ay cid waliba si fudud u samaysan karto, iyaga oo birahaasna qiimahoodu inta uu yahay samaystay cabir la isla yaqaaney oo lagu qiyaasi jirey.
Sidaa aawadeed wax kasta iyo shay kasta oo dadku lacag ahaan u isticmaalayaa hadii aanay ahayn mid leh qiime mucayin ah oo dadka isticmaalayaa isku raacsan yahay, ma noqon karayo mid lacagnimadiisa iyo isticmaalkiisuba sharci yihiin.
Sidoo kale lacag kasta iyo walax kasta oo ay samaysato cid gaar ah oo bulshada ka mid ahi ma noqonayso lacag sharci ah oo dadku wada ogol yahay lacagnimadeeda iyo qiimaheeda, balse waxa ay noqonaysaa lacag faalso ah oo aanu jirin wax qiimo ah oo ay leedahay.
La Soco Khamiista………………………………