Dawladda Somaliland Oo Eedo Culus u Jeedisay Qarrammada Midoobay

0
453

Nairobi (Dawan) Dawladda Somaliland ayaa shaaca ka qaaday inuu burburay shir farsamo oo laga wada hadlayey maamulka hawada Somaliland iyo Soomaaliya oo ay Qarammada midoobay qaban-qaabisay. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland Cumar- Sayid Cabdilaahi Aadan oo Hogaaminayey Wefti Somaliland ugu qayb galay shirkaasi, ayaa shaaciyey inay shirkaasi ka baxeen ka dib markii lagu soo bandhigay qorshe lidi ku ah heshiishkii maamulka hawada ee Somaliland iyo Soomaaliya.
Agaasime Cumar-Sayid ayaa sidoo kalena sheegay in shirkaasi uu burburay guud ahaan, ka dib markii Qaramada midoobay ay dhinaca Soomaaliya u xaglisay, arrimahaasina waxa uu kaga hadlay War saxaafadeed uu Habeen hore  ka soo saaray oo u dhignaa sidan:- “Maalintii Salaada ee 7/7/2015-ka ayaanu ka soo amba baxnay dalka  aniga iyo la taliyaha wasaarada ee arimaha hawadda sare  Axmed Cumar Maxamed   (Cago dable) si aanu uga qayb galno shir farsamo oo Hay’ada ICAO nagu casuuntay annaga iyo guddi farsamo oo dhigayaga ah oo ka socotay Soomaaliya, oo lagu qabanayey Magaalada Nairobi.
Shirkaas oo ku saabsanaa in Daneeyayaashu (stake holders ) ay farsamo ahaan ka doodaan qaabkii iyo hanaankii hawada Dalkii Soomaaliya la isku odhan jiray loo wada maamuli lahaa oo labada dhinac uga wada faa’iidaysan lahaayeen.
Waxa shacbi weynaha Reer Somaliland ka dharagsan yahay gudo iyo dibabda in tiraba sadex jeer Soomaliya ogolaatay saxeexdayna  in maamulka hawada Somaliland iyo Soomaliya la dajiyo caasimada Hargeysa iyada oo ay maamulayaan guddi isku dhaf ah  , isla markaana  tiraba dhawr jeer  ha’yada ICAO ku cadaysay dhammaan Qiimaynadeedii  in meesha ugu habboon ee la dagi karo tahay Hargeysa.
Waanu ka xunahay in dawladda Soomaaliya ka baxday dhammaan heshiisyadaas oo dhan, iskana indha tirtay waaqaca iyo xaqiiqada hortooda taalla  iyada oo qol madaw hayda ICAO kula soo saxeexatay heshiis aanaan isku ogayn isla markaana ku wada socon awoodna ayna u lahayn fulintiisa.
Waxaanu shacbiga reer Somaliland la socodsiinaynaa in shirkii farsamada  ahaa na loo soo  bandhigay document qaybo qoraal ah oo u xaglinaya dhinaca Soomaaliya, isla markaana aan ku dhisnayn wax tixgalin ahna siinayn dhammaan heshiisyadii ay wada galeen labada dhinac.
Annaguna ka wasaarad ahaan arrintaas waanu diidnay annaga oo dhammaan ka qayb galayaashii shirka oo uu  ka mid ahaa safiirka Turkiga u qaabilsan Somaliland iyo Soomaliya oo xubin sharafeed   ka ahaa  shirka hortooda  ka cadaynay mawqifka Somaliland ee ah  in la tixgaliyo heshiisyadii hore isla markaana marnaba aan gorgortan la gelin Karin xaqa ay Somaliland u leedahay marti galinta maamulka hawadda.Sidaas ayaanu shirkii ku burburay kagana soo baxnay ka dib markaanu wada tashi la yeelanay madaxdii naga saraysay.
Waxaanu dadka reer Somaliland ku calool adkaysiinaynaa inaynu dal ahaan  awood dhaqaale iyo mid farsamaba u leenahay inaynu maamulano hawadeenna arrintaasina ay fududahay sidaynu imikaba u maamulano dhulkeena iyo badeena , laakin aynu tix galinay kana  dhur sugaynay dhex dhexaadinta beesha caalamka oo doonaysay in aan hawada la siyaasadayn ee gudi farsamo oo isku dhaf ah inay maamusho, iyaguna ay dhex ka ahaan doonaan, arintaas oo gabi ahaanba meesha ka baxday.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply