Masuuliyiin Ka Fuliyay Hargeysa Olole Lagu Dhiiri-gelinayo Ciyaaraha

0
472

Hargaysa (Dawan)- Xubno sar sare oo ka mid ah masuuliyiinta xukuumada Somaliland ayaa kormeer hawleed ku soo maray qaar kamida garoomada Hargeysa ee uu ka socdo tartanka kubada cagta ee bisha barakaysan ee Ramadaan.
Masuuliyiintan  oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka golayaasha iyo technology-da, Wasiir ku xigeen wasaarada ciyaaraha, Agaasimaha wasaarada warfaafinta, maayar ku xigeeen caasimada Hargaysa iyo xogyaha  gaarka ah ee madaxwaynaha iyo xildhibaan ka mida golaha deegaan caasimada Hargaysaa ayaa ujeedada kormeerkoodu ahaa xogogaal u noqoshada iyo dhiirigelinta  ciyaaraha.
Masuuliyiintan ayaa ugu horayn kormeerkoodan waxa au ku tageen garoonka Xawaadle waxayna dhamaantood si isku mida u tilmaameen faaidada ciyaaruhu u leeyihiin dhalinyarada, iyaga oo ka qayb qaata ayey yidhaahdeen kobcinta maskaxda dhalinta iyo dhismaha jidh ahaaneed.
Ugu horeyn waxa halkaas ka hadlay Wasiir ku xigeen wasaarada ciyaaraha Yuusuf Cismaan Garas oo tilmaamay ujeedada ay kormeerkan uga danleeyihiin  in ay tahay sidii ciyaaraha dalka kor loogu qaadi lahaa, waxaanu u soo jeediyey dhalintay inay si asluub leh ku dhamaystaan ciyaarahooda, waxaana uu yidhi “Waxaanu ka qayb galnay amaba aanu la daawanay dadwaynaha ciyaartii hore, imikana waxa bilaamaysa ciyaartii labaad, waxaan dhalinta u rajaynayaa maadaama ay Ramadaan tahay oo dhamaad lagu jiro in si wanaagsan oo sidii horeba ugu soo soctay ee akhlaakhda lahayd ay ku dhamaato si ay ciyaartu inoogu qurux badnaato”.
Waxa isna dhankiis ka hadal wasiirka xidhiidhka golayaasha iyo technology-da Cali Xaamud Jirbiil oo isna la dar-daarmay dhalinta ciyaaraysay, waxaana ka mid ahaa hadalkiisii “Ciyaaraha sida aad wada ogsoon tihiin wuxuu dhiiri galiyaa caafimaadka jidhka, waa wax faa’ido u leh bulshada, taas aawadeed ayaanu u nimid inaanu kala qayb qaadano oo aanu xoojino, garoonkan oo kaliya Maaha garoomada magaalada oo dhan waanu xoojinaynaa iyo magaalooyinka dalka oo dhan.
Markii ay masuuliyiintu dhamaysteen socdaalka ay ku tageen garoonka Xawaadle waxay u kicitimeen dhinaca garoonka taraydhiska, halkaas oo ay dhalinyaradii ku ciyaarasay kula dar-daarmeey in ay dhawraan shuruucda ciyaarha iyo ciyaar wanaaga kubada cagata isla mar ahaantaan ay ka caaganaadaan wax kasta oo sabab u noqon kara inaanu tartankan sidii loogu talagalay aanu u dhammaan.
By. Cabdi M. Safwaan
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply