Nin Ingiriis Ah Oo Foojari Ku Tilmaamay Dacaayado Sawirkiisa Loo Adeegsaday Oo WADDANI Kaga Been Abuuray

0
425

Hargeysa (Dawan)- Mr. Gordon Bentley,  oo ah ninkii ay sawiradiisa ku adeegsadeen   Kooxda sharci darrada ah ee Madasha iyo xisbiga WADDANI  fadeexadii kulankii been abuurka ahaa ee London ayaa iska fogeeyay in uu wax lug ah ku lahaa Dacwadii ay sheegeen inay u gudbiyeen dawladda Ingiriiska.
Waxa uu sheegay in aanu ka shaqaynin  wax xil ahna aanu ka haynin wasaaradda khaarajiga   Ingiriiska iyo barwaaqo sooranka.
Kooxda siyaasadda ku  fashilantay ee Madashu waxa ay sheegteen in ay kulan yeesheen dhawaan  saraakiil ka tirsan wasaaradda  arrimaha dibada iyo barwaaaqo sooranka   si ay u waxyeeleeyaan sumcadda hoggaamiyeyaasha hormoodka u ah  Somaliland.
Mr. Bentley uu ku beeniyay dhawaaqii Madasha qoraal uu ku baahiyay bartiisa Face-book-ga.”Waxaan  ka war helay  in ay shaqsiyan iga been abuurteen fikrada ah in aan u hayo howl  diblomaasiyadeed Ingiriiska, taasi oo ah wax lagu qoslo oo gebi ahaanba maadeys ah,” ayuu yidhi ninkii kooxda Madasha iyo WADDANI Sawirkiisa sifaha been abuurka ah u adeegsadeen.
Mr. Bentley  waxa uu sheegay  si aan rasmi ahayn in loo adeegsadey xarun ha’yadeed oo ku taalla koonfurta  London kadib markii  Siciid Qulumbe iyo xubno la socday ay dalxiis  u tageen xaruntaasi oo oo lagu siinayay macluumaad la xidhiidha diritaanka adeegyo daryeelka bulshadda ah.
Arrintani  waxa ay caddeynaysaa fadeexad weyn oo ay cagaha la galeen kooxda madasha oo u adeegaysa xisbiga WADDANI oo dacaayadaha xukuumadda ka dhigtay barnaamij siyaasadeedkiisa.
By: Hana Barkhad
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply