Goorma Ayay Is-barteen Shabakadda Wikileaks Iyo Xisbiga WADDANI?

0
637

Waa nusqaan in xisbiyadda mucaaridku ay markii labaad la yimaadaan qorshe dacaayadeed oo ay ugu tallo-galeen  inay dabar uga  dhigaan howlaha doorasho ee loo xadhko xidhan yahay, qorshahaasi oo ay ugu tallo-galeen inuu socdo ama lagu mashquulo ugu yaraan muddo saddex bilood ah, balse si kastoo ay waqtiga ay u ridaan waxa lama huraana in hadhow qoomamayn doonaan wakhtigii ay lumiyeen. Waayo hore ayaa loogu maahmaahay Karis xun iyana wax ku la’.
Waxa axsaabta dhawaaq dheer iyo mid hooseba loogu sheegay in  hawlahooda ku wajahayaan  doorashooyinka  wakiiladda iyo madaxtooyadda muddada yar ee ay haystaan, kala shaqeeyaan xukuumadda iyo Komishanka doorashada iyo goleyaasha kale ee qaranka.
Waxaa nasiib darro ah  ninka weyn ee warqad aan jirin gole keenay ee yidhi waxaa la saxeexay Soomaali weyn inaynu dib ugu noqono iyo ereyo la mid ah.  Waa garadkii,  nin kastaaba halka bugtaa isagay bel-beshaa kollay waxa isweydiintu  tahay goorma ayay Somaliland iyo shabakadda Wikileaks  ee dowladaha adduunka siraheeda jabsataa is barteen?, kolay ujeedada kowaad ee dacaayadahani waa mid looga gol leeyahay uun wakhti lumis. Shacbiga Somaliland way ka il-baxeen in shugux shugux loo tumo. Sida xaqiiqadu  in xukuumadda tallada haysaa dhinaceedii wixii doorashadda kaga xidhnaa way ka soo baxday oo way shubtay lacagtii loogu tallo-galay doorashooyinka.
Guddoomiye Cirro waxa la gudboon inuu la yimaado qorshe kaga hawl gelayo inuu isbaaradda ka qaado doorashooyinka  oo uu si toos ah u turaanturaynayo gedi socodkooda. Waayo waxa uu Golaha Wakiiladda ee uu madaxda u yahay wali baaqi ku ah inay sameeyaan xeerkii doorashadda Golaha Wakiiladda oo aanay wali u dhaqaaqin.
Waxa lama hurraan ah in WADDANI Aanu codka iyo ribitaanka bulshadda ka hanan Karin dacaayado raqiis ah, maadaama oo aanay lahayn barnaamij siyaasadeed oo ummadda u cuntami kara, balse barnaamijkoodu noqday cay iyo aflagaado macno darro ah. Waxaan ugu dambayn ku soo khatimayaa maqaalkaygan “Maxaa WADDANIYOOW QOONTA MILILKA LEH QOORTA KUU SUDHAY.”
By: Sacad Cabdi Muxumed (Xarbi)
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply