Nin Hubeysan oo Dad ku dilay Jermalka

0
474

Booliska Germalka ayaa sheegaya in nin hubeysan uu ku dilay labo ruux gobalka koonfureed ee Bavaria.
Ninkaasi oo la xidhay ayaa ka soo dhex toogtay labada ruux gaarigiisa, wuxuuna u muuqday inuu u tooganayay si aan kala sooc laheyn.
Wararka ayaa sheegaya in qofka koowaad oo aheyd haweeney 82 jir uu ku dilay banaanka magaalada Ansbach, halka qofka kalena uu ahaa ruux watay baaskiil, uuna ku dilay tuulo dhowr kiilomitir ka baxsan.
Gacan ku dhiiglaha ayaa lagu xidhay Bad Windsheim oo ku taal waqooyiga fog.
 

Leave a Reply