Dhibaatada Dhaqaale Ee Isticmaalka Lacagaha Aan Sharciyaysneyn Qeybta 17aad

0
468

Lacagta elektarooniga waxa ay sideedaba raad togan ku leedahay dhaqaalaha dunida, gaar ahaana ta “mobile money” oo iyadu ka duwan ta kaadhka lagu shubo ee lagala baxo marka loo baahdo. Ta kaadhka waxa ay ta “Mobile money-gu” kaga duwan tahay xaga degdega, hase ahaatee maaha mid sugnaasho ama damaanad leh, marka aanay shuruucda iyo xeerarka caalamiga iyo kuwa maxaliga midna ku xidhnayn nidaamkooda shaqo.
Doodo laga qabtay sida uu dhaqaalaha raad togan ugu leeyahay “mobile money” ayaa laga muujiyay welwel xoog leh. Waxa diiradda xoogga la saaray doodahaa  oo lagu saleeyay iyadoo falaqeyntu ahayd saameynta uu kacaanka (revolution) teknoolajiyada cusub ku leeyahay la socodka hannaanka dhaqdhaqaaqa lacagta ee dunida (monetary system).
Waxa ka soo baxay doodahan sannadihii u dambeeyay ka dhex socday khubrada dhaqaalaha ee dunida laba aragtiyood oo iska soo horjeeda.Hadda akhriste la socoo waxa laga doodayaa waa wax ku shaqeeya xeerarka lagu ilaaliyo, laguna kantaroolo lacagaha si loo kala sooco lacagta faalsadaha iyo ta qaababka kale ee tuugada ah  lagula bixi karo lacagaha.
Labadaa aragtiyood mid waxay aaminsan tahay in horumarka uu tiknoolajiyada cusub sameynayo uu aad u yareenayo ahmiyaddii ay lahaayeen baanankii lacagta u kala gudbinayay dadka meel kastoo ay joogan, kuwaas oo shaqada ay qabtaan ahayd mid aad loogu kalsoonaa isla markaana si adag u ilaalisa sirta lacagta ee shakhsiga. Sii socoshada adeegga tiknoolajiyada cusub ee “Mobile money” ayaa aragtidan waxay rumaysan tahay inay tahay mid meesha ka saari doonta ugu dambeynta adeeggii sugnaa ee ay baananku u hayeen bulshada, kaalintoodiina ay geli doonaan adeeg la socodkiisa faraha lagaga guban doono.
Aragti kale waxa ay  aaminsan tahay midka duwan ta aan sare ku soo xusnay, waxayna qabtaa aragtidani in aanay wax isbeddel ah oo muuqda ku sameyn doonin tiknoolajiyada cusubi adeegyadii baananka ee hore u jiray ama kuwa ururka la socodka hanaanka dhaqdhaqaaqa ee lacagaha adduunka (monetary organization) gaar ahaana kuwa dunida ee dhaqaalahoodu horumarsan yahay.
Waxa ay xustay aragtidani in kacaanka (revolution) tiknoolajiyada cusubi ee ku xidhan hanaanka ay  ku shaqeeyaan ururka la socodka dhaqdhaqaaqa lacagta ee duindu ahayn mid wax isbeddel ah ku keenaya baananka, waayo waxa inta badan waxay sheegeen in loo tixraaco waxa loo yaqaan “e-money”
Doodda aragtidani waxa ay isbarbar dhigtay iyadoo tusaale u soo qaadanaysa hannaanka reer Yurub ee “e-money” ee ay bixiyaan baanankoodu, waxanu tusaalahan tiknooloojiyada cusub ku tilmaamay mid lacag bixinteedu la mid tahay tii hore ee dhaqanka ahayd.
Aragtiyahaa labada ee kala duwan labadoodaba marka laysku soo ururiyo hal aragti hal argti ayaa kasoo dhex baxday oo ah, in kacaanka tiknoolajiyada cusub ahaado nooc kasta oo uu yahay mid ku xidahn baananka dhexe iyo ururka la socodka dhaqdhaqaaqa lacagta iyadoo la adeegsanayo adeegga loo yaqaan “e-money”
Waxa kale oo isku aragti ay ka noqdeen waraaqihii doodaha ahaa ee la jeediyay in aanay mustaqbalka dhaw iyo ka fog toona ku yeelan doonin saameyn togan dhaqaalaha dunida horumartay, maadaama si adag loo ilaaliyo hanaanka dhaqdhaqaaq ee lacagaha dalalka dhaqaalahoodu hormarsan yahay.
Haddaba su’aasha taagan ee halkaa inooga soo baxday waxay tahay sababta doodahan loogu muujiyey kaliya in anaay tiknoolajiyada cusub wax saameyn ku yeelanayn dunida hodanka  ah
 
dhinca dhaqaalaha ee ay waxba uga tilmaaami waayeen saameyta uu adeeggan cusubi ku yeelan karo isticmaalkiisu dunida soo koraysa ee aan lahayn dhaqaalaha buuran.
Taa waxa u sabab ah, horta marka ugu horeysa, dunida lagu tilmaamo hodanka gebi ahaantoodba qaabkeena uu uga shaqeeyo “mobile money-gu” ugama shaqeyn karo dunidaa, waayo waa meel ay dadku markaaba wax iska weydiinayaan xagga aaminaada iyo xeerarka shaqo ee kambani kasta oo doonaya inuu bulshada u soo kordhiyo adeeg cusub oo waxtar u leh sida uu ugu dhaqmayo. Hase yeeshee dunida soo koraysa ee aan ka midka nahay, kagana jirno kaalmaha ugu hooseeya marka dhinaca dhaqaalaha laga eego waxa bulshada uu xisaabankoodu ku xidhan yahay wax ka duwan kuwaa dunida kale ee hodanka lagu tilmaamo.
LA SOCO…………

Leave a Reply